Jennifer Lopez oo dooneysa magaceedii hore iney soo ceshato

Jennifer Lopez oo dooneysa magaceedii hore iney soo ceshato

daajis.com:-Jennifer Lopez ayaa ugu dambeyn gudbisay warqadaheedii furiinka ee ninkeeda Marc Anthony,waxaaney dooneysaa iney soo ceshato magaceedii hore. 

Fanaanada ayaa codsatay iney si sharci ah u bedesho magaceeda Jennifer MunizAnthony magaciisa sharciga ah ee dambey ayey dooneysaa iney iska reebto Jennifer.

Lamaanayaasha ayaa ku dhawaaqay kala tegidooda july 2011,waxaana uu Anthony warqadaha furiinta saxiixay sanadkii hore,laakin fanaanada waxaa ay ka jawaabtay isniintii hore keliya.

Jennifer Lopez iyo ninkeeda waxaa ay leeyihiin labo carruur oo mataano ah,waxaaney is guursadeen todobo sano waqti laga joogo.wuxuuna ahaa guurkii sedexaad ee Jennifer.


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada