Ergayga QM ee Suuriya oo uga digay shacabka dalkaasi in waddankoodu noqdo sida "Soomaaliya"

Ergayga QM ee Suuriya oo uga digay shacabka dalkaasi in waddankoodu noqdo sida "Soomaaliya"

daajis.com:-Lakhdar Brahimi oo ah ergayga Qaramada Midoobay iyo Midowga Carabta u qaabilsan dalka Suuriya ayaa uga digay shacabka dalka Suuriya in ay ka feejignaadaan in ay ku dhacdo tii ku dhacday dalka Soomaaliya ee nidaam iyo kala dambeyn la`aanta mudada dheer ku jirtay.

Wuxuu soo dhaweeyay dowlad cusub oo laga dhiso dalka Suuriya taas oo ay ku midoobaan dhinacyada is haya ee dalkaasi ku dagaalamaya.

"Aniga aragtideyda, taasi waxay horseedi doontaa dal dimuquradiyad ku dhisan oo ay ku mideysan yihiin dhamaan dadka reer Suuriya", ayuu yiri Mr. Brahimi.

Waxa uu uga digay dowladda Suuriya oo uu hogaamiyo in ey banaanka dhigto mucaaradka Suuriya.

Hadalka ergeygan ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan lagu wado in shir uu uga furmo magaalada Gineva.

Soomaaliya ayaa noqotay sanadahan ugu dambeeyay dal lagu cabsi-geliyo dalalka kale ee dagaalka u ooman.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada