Top News:- Mr Saacid oo Xilkiisa ku waayay Heshiisyo lala galay markii la Magacaabayay uu ka baxay.

Top News:- Mr Saacid oo Xilkiisa ku waayay Heshiisyo lala galay markii la Magacaabayay uu ka baxay.

daajis.com:-Ilo Xog ogaal ah wax badana kala Socday Khilaafkii soo kala dhax galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/Wasaarihii kalsoonida Baarlamaanka kala noqdeen Cabdi Faarax Sheyrdoon (Saacid) ayaa sheegay in Khilaafka uu ka dhashay Balamo iyo Heshiisyo uu R/Wasaaraha uga baxay Madaxweynaha.

Xogta aan heleyno ayaa tilmaamaya in R/Wasaare Saacid markii Xilka loo Magacaabay laga saxiixay Heshiisyo kala duwan oo ku aadanaa in uu qabto Xilka RWasaaraha hadii uu fulinayo Heshiisyadaasi hadii kalana uusan marba kursiga fadhiisaneyn.

Heshiisyadii laga Saxiixay Mr Saacid ayaa waxaa kamid ahaa sida xogta ku helnay in uusan saameyn badan ku yeelan soo xulista Golihii Wasiirada ,sidoo kale Howsha Xukuumada xoogeeda ay kasocoto Xafiiska Madaxweynaha.

Golihii Wasiirada ee Xukuumadii Dhacday ayaa intooda badan waxaa soo Magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya waxa ayna u badnaayeen Xubno aad ugu dhawaa Xasan Sheekh , R/Wasaaraha ayaana lagula heshiiyay kaliya in Magcayada Wasiirada uu Saxaafada u aqriyo shaacana ka qaado.

Inta badan balamihii iyo Heshiisyadii lala galay R/Wasaarihii dhacay ee Saacid waa uu kasoo baxay kahor in uusan Khilaafkan hada uu ku baxay uusan meesha soo galin , waxaana Khilaafkan abuuray sida aan Wararka ku helnay balamihii uu ka baxay R/Wasaaraha kaa oo isku shaandheyn la sameenayay uu meesha kaga saaray Wasiiradii ugu tunka weynaa Xukuumada gaar ahaan kuwii Madaxweynaha garabkiisa ahaa Wasiiro Jeebkiisa ahna uu soo Magacaabay R/Wasaaraha.

Madaxweynaha ayaa markii uu arkay in R/Wasaaraha uu bilaabay in uu buriyo Heshiisyadii meesha lagu keenay ee ahaa in R/Wasaaraha uusan saameyn badan ku yeelan soo xulista Golaha Wasiiradana marka ay timaado in isku shaandheyn lagu sameeyo.

R/Wasaarihii hore Soomaaliya Saacid Sheyrdoon oo yeeshay la taliyayaal iyo Saaxiibo dhinaca Siyaasada ayaa bilaabay in uu meesha ka saaro Heshiisyadii lala galay uuna isku dayo in uu u madax banaanaado in uu sameeyo isku shaandheynta Golahiisa Wasiirada iyo Magacaabista wasiirada dheeraadka ah ee la qorsheenayay in Xukuumada lagu soo daro.

Dadka Siyaasada falanqeeya ayaana qaba in arinta Keentay in Mr Saacid uu meesha ka baxdo Baarlamaankana kalsoonida kala noqdeen ay keentay Balamihii uu Madaxweynaha uga baxday iyadoona Madaxweynaha xiligaa kadib uu Baarlamaanka u adeegsaday in la rido Xukuumada Maadama R/Wasaaraha uu diiday in uu is casilo.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada