Golaha Amaanka oo ka walaacsan xiriirka sii xoogeysanaya ee Al-Shabaab iyo Al-qaacida.

Golaha Amaanka oo ka walaacsan xiriirka sii xoogeysanaya ee Al-Shabaab iyo Al-qaacida.

daajis.com:-Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa walaac xoogan ka muujiyay Xiriirka sii xoogeeysanaya ee u dhaxeeya Ururweynaha Al-qacida iyo Ururka saldhigiisu yahay Soomaaliya ee Al-shabaab.

Baan Kii Moon, oo ah Xoghayaha QM, ayaa sheegay inuu si aad ah ugu walaacsanyahay ineey joogsadaan Howlgalada Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ee ka dhanka ahaa Al-shabaab, waxaana uu xusay in kooxda shabaab, ay suurtagal tahay ineey weeraro khasaaro badan ka dhashay ka geystaan Dalalka dariska la ah Soomaaliya.

Ban Ki-Moon wuxuu sheegay inaan la ogolaan karin soo kabato oo ay dib isku urursato, isagoo caalamka ugu baaqay in gacan laga siiyo dowladda Soomaaliya dagaalka ay kula jirto kooxdan.

Al-shabaab ayaa sheegtay bishii Feberaayo ee sannadkii hore 2012 inay si rasmi ah ula midoobeen Al-shabaab, kaddib cajalad maqal ah oo uu soo duubay hoggaamiyaha kooxdan Sheekh Mukhtaar Abuu-Zubeyr oo laga sii daayay warbaahinta.

Walaacaan kasoo yeeray golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa imaanaysa xilli Al-shabaab ay sheegatay weerarkii ay ku dhinteen 67 qof oo lagu qaaday bishii September ee sannadkan rugta ganacsiga ee Westgate Mall ee Nairobi kaasoo qaatay muddo afar maalmood ah.
“Tallaabooyinka horumarineed ee la qaaday iyo doorashada lagu wado inay Soomaaliya ka dhacdo sannadka 2016, waxaa hortaagan caqabado aad u waaweyn oo ay ka mid tahay Al-shabaab,” ayuu Ki-Moon warbixintiisa ku sheegay.
Howlgaladii lagu baacsanayay Al-shabaab, ayaa Bilihii u danbeeyay hakaday, kadib Khilaaf soo kala dhexgalay madaxda DFS, iyo Ciidamada AMISOM oo aan taageeradii ay u baahnaayeen ka helin Beesha Caalamka.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada