Mareykanka oo ka hadlay go'aankii lagu riday Ra'iisul Wasaare Saacid

Mareykanka oo ka hadlay go'aankii lagu riday Ra'iisul Wasaare Saacid

daajis.com:-Dowladda Mareeykanka, ayaa markii ugu horeesay war kasoo saartay, go'aankii uu Baarlamaanka Soomaaliya Isniintii lasoo dhaafay Codka kalsoonida kala laabtay R/wasaare Saacid.

James McNulty, oo ah Ergayga Mareeykanka u fadhiya Dalka Soomaaliya, ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray shalay, waxa uu kaga hadlay Xil ka qaadista R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

James McNulty, waxa uu sheegay in Doowlada Mareeykanka, ay mar walbo garab taagantahay shacabka iyo Doowlada Soomaaliyeed, islamarkaasna ay Gacan ku siin doonaan dadaalka loogu jiro xasilinta Dalka.

James McNulty, ayaa M/weynaha Soomaaliya ugu baaqay inuu si dhaqso ah usoo magacaabo R/wasaare Cusub, oo ay dadka Soomaaliyeed raali kayihiin, islamarkaasna waafaqsan Dastuurka DFS.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada