Haweenay U Ciyaari Jirtay Xulka Kubada Cagta Ee Tunisia Oo Qaliin Lagu Sameeyay Isu Bedeshay Wiil iyo Waayahii Shabbadnimo Oo Ay Warbaahinta Uga Warantay

Haweenay U Ciyaari Jirtay Xulka Kubada Cagta Ee Tunisia Oo Qaliin Lagu Sameeyay Isu Bedeshay Wiil iyo Waayahii Shabbadnimo Oo Ay Warbaahinta Uga Warantay

daajis.com:-Markii ay da?daydu gaadhay ama dhaaftay 12 sano jir ilaa 13 sano jir, waxba iguma dhicin, waanse iska yaabanaa uun, waxaanan naftayda waydiin jiray su?aalo badan oo aanan jawaabo u heli karayn.
Gabadh dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Tunisia, Muslimna ah oo hore ugu ciyaari jirtay Xulka Kubbada Cagta ee Dalkaasi Fatima Maleh, ayaa ku dhawaaqday in ay hadda laga bilaabo tahay nin ka dib markii qaliin lagu sameeyay dhakhaatiirtu ay cadeeyeen.
Laakiin wax kastaa horumar baa ku imanayay markii aan gaadhay da?da dhexe? ayuu yidhi Maxamed Cali.
Wuu sii watay hadalkiisa, waxaanu yidhi ?Markii ay da?daydu gaadhay ama dhaaftay 12 sano jir ilaa 13 sano jir, waxba iguma dhicin, waanse iska yaabanaa uun, waxaanan naftayda waydiin jiray su?aalo badan oo aanan jawaabo u heli karayn? ayuu yidhi.
Waxa uu ka dhawaajiyay in markii uu qaan gaadhka noqday uu la yaabay dareemayaashiisa, ka dib markii ay soo jiiteen gabdhaha kuwooda qurux badani, waxaanu yidhi ?Markii aan qaan gaadhay, waxa aan dareemay in aanan ahayn qof dumar ah, sababtoo ah waxa aan dareemay in ay I soo jiidanayso gabadhaha kuwooda quruxda badani? ayuu yidhi.
Gabogabadiina waxa uu xusay in wakhtigaasi uu isu haystay in uu yahay qof dumar ah aanu la ciyaari Karin jirin wiilasha, sababto ah buu yidhi way ila dagaalami jireen, ?Wakhtigaas lamaan ciyaari jirin wiilasha degan Magaaladda Tataouine sababtoo ah marka hore dhaqanka ayaa ii diidaya, marka labaadna way I dili jireen? ayuu yidhi
Markii ay ay waynaatay Maleh waxa ay ka mid noqotay xulka kubada cagta haweenka ee dalka Tunisia.
Sanadkii 2008-dii ayaa baadhitaan dhakhtar oo la mariyay waxa lagu xaqiijiyay in hoormoonada ku jiraa ay u badan yihiin kuwii raga, balse June 24, 2013, ayaa waxa uu cadeeyay in dhakhaatiirtu ay ku guulaysteen in ay ku dhawaaqeen in uu yahay, halkaasna lagu siiyay cadayntiisii in uu yahay wiil, magaciisiina waxa uu ugu dambeyn ka dhigay Mohammad Ali.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada