Video:- Sahro Cabdi VOA:- Ma ihi siyaasi ee waxaan ahay wariye, mana aqaan waxa aan u noqday bartilma.

Video:- Sahro Cabdi VOA:- Ma ihi siyaasi ee waxaan ahay wariye, mana aqaan waxa aan u noqday bartilma.

daajis.com:-Dalal badan ayaa lagu dilaa ama lagu dhaawacaa wariyayaasha, waxaase Soomaaliya ay kaalinta hore ugu jirtaa meelaha ugu qatarta badan oo ay wariyayaal ka howlgalaan.

Waxaa sanadkii dhashaba la dilayaa wariyayaal laga soo bilaabo 2007 oo aheyd markii uu bilowday dilka wariyayaasha ee tusbaxa furmay noqday. Waxaa dalka isaga baxay ka badan 100 wariye kuwaasi oo maanta dalalka Yurub, America, Ausralia iyo Africa ku kala nool kadib cabsi kasoo wajahday shaqadooda.

Wariye Sahro Abdi Ahmed oo ka mid ah idaacada VOA kuna sugan wadanka Mareykanka ayaa ka mid ah wariyayaasha kasoo shaqeeyey Soomaaliya in badana ka xasusuta qatarta ay ku soo shaqeysay ama hey ku weysay saaxiibo badan oo saxaafadda kula jiray.

Muuqaal lagu wareysanayey wariyayaal dalal kala duwan kasoo jeeda oo ay diyaarisay hay’addaha difaaca wariyayaasha ee CPJ ayey ku sheegtay inuu dalka Soomaaliya yahay midka ugu qatarta badan dunida.
Wareysigan oo luqada english ka ay ku bixisay ayaa waxay ay hadalkeeda ku bilowday Sahro Abdi Ahmed.

” Soomaaliya waa mid ka mid ah meelaha ugu qatarsan dunida oo laga noqdo wariye.” ayey tiri Sahro Abdi Ahmed oo intaasi daba dhigtay :
 "Sanadkii ugu danbeeyey midka ugu qatarsan ayuu ahaa oo 13 wariye ayaa lagu dilay dalka Soomaaliya, kuwaasi oo intooda badan u shaqeynayey warbaahinta gudaha oo aan heysan wax difaac ah” ayey tiri Wariye Sahro Abdi Ahmed oo ka howlgasha idaacada codka Mareykanka ee VOA.

"Sahro Abdi Ahmed" 
Waxaana iyaddoo sharaxeysa sida dhibku kusoo gaaro ay sheegtay inay tahay wararka oo ay ka raadiyaan meel ka baxsan xarumaha ay ka shaqeeyaan.
” Waxay aadaan meel ka baxsan xarumaha idaacadahooda. Waxaana ay isku dayaan inay helaan warbixino” ayey tiri Sahro Abdi Ahmed oo ku tilmaantay wareysigeeda inaysan isku mid aheyn Soomaaliya iyo Ameerica marka la fiiriyo qaabka ay u shaqeeyaan wariyayaasha.

” Soomaaliya ma ahan sida Ameerica oo kale oo fariisaneyso computerkaaga gadaashiisa kadibna aad duubeyso warka idaacadaada, laakiin Soomaaliya sidaasi ma ahan ee waa inaad banaanka aadaa.” ayey tiri Sahro Abdi Ahmed oo haddana sharaxday marka banaanka loo baxo waxa ku dhacaya wariyayaasha Soomaaliyeed.

” Haddii ay aadaan shaqadooda banaanka waxaa bilaabaneysa inay noqdaan bartilmaameed ama in la dilo” ayey tiri wariye Sahro Abdi Ahmed.

Wareysiga inta ay ku gudaha jirtay ayey Sahro Abdi Ahmed waxaa kale oo ay sheegtay in marka ay xasuusato waayaheeda shaqo ee Soomaaliya intii ay joogtay inay u aheyd wax nafteeda raad ku reebay.

Waxaase ay daba dhigtay su’aal ay sheegtay inay is weydiiso taasi oo ah :
” Waxaan isticmaalayaa in aan dhaho : Maxay tahay sababta aan u noqonayo mid la cabsigelinayo. Ma ihi qof siyaasi ah. Waxaan ahay waa wariye, mana aqaan sababta aan u noqday mid la ugaarsado” ayey hadalkeeda kusoo xirtay Wariye Sahro Abdi Ahmed oo ka tirsan idaacada VOA laanteeda la hadasha Soomaalida.

Sahro Abdi Ahmed waxaa ay saxaafadda Soomaalida kaga soo biirtay magaalada Kismaayo, iyaddoona la soo shaqo bilowday idaacada hornafrik kadibna dilalka wariyayaasha oo ka bilowday magaaladaasi darteed ugu soo hayaantay Nairobi oo ay kala shaqeyneysay idaacada VOA kadibna shaqadeeda loogu soo wareejiyey dalka Mareykanka oo ay hadda ku nooshahay.

Halkaan Hoose ka Daawo:

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada