Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeybgalaya shirka IGAD ee looga hadlayo dagaalka South Sudan

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeybgalaya shirka IGAD ee looga hadlayo dagaalka South Sudan

daajis.com:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa galabta u ambabaxay Nairobi si uu uga qeybgalo Shirka aaan caadiga aheyn ee Madaxweynayaasha dalalka IGAD oo looga hadlayo arrimaha South Sudan.

ayaa madaxweynayaasha IGAD ay ku shirayaan Nairobi oo ay uga hadlayaan xaaladda dalka South Sudan oo dagaallo ay ka socdaan. Wasiirada Arrimaha Dibedda ee dowladaha IGAD oo dhowaan gaaray magaalada Jubba ee caasimada South Sudan ayaa u soo kuurgalay xaalada dalka isla markaana soo dhex dhigay heshiis iyo xabad joojin kooxaha isku heysta siyaasadda dalka.

Wasiiradda Arrimaha Dibedda ayaa kulan ay la soo qaateen Madaxweynaha South Afrika Silva Kiir ayaa waxuu u caddeeyey inuu diyaar u yahay inay heshiis aan shuruud laheyn la galo kooxaha ka soo horjeeda isla markaana dib u heshiisiin ay ka dhacda dalka South Sudan.

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulamo gaar gaar ah la yeelan doono madaxweynayaasha dalalka IGAD isla markaana khudbad ka jeedin doono shirka ayaa diirada saari doono sida ay lagama maarmaanka u tahay in IGAD ay door hoggaamineed ka qaadato xaaladda South Sudan oo laga hortago inay collaadaha sii socdaan oo ay dalka South Sudan geliyaan dagaallo sokeeyo. Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu ugu baaqo madaxda IGAD in dowladda South Sudan lagala shaqeeyo sidii ay dib u heshiisiin ugu xallin laheyd arrimaha ka jira dalka South Sudan.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa kulamada uu la yeelanayo madaxda IGAD kala hadli doono xiriirka dalalkaas iyo Soomaaliya isla markaana xoojin doono sida loogu baahanyahay in IGAD ay xoogga saarto in dalka South Sudan uu noqdo dal xasilan oo nabad ah.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada