Mid ka mid ah gabdhihii soomaalida ee Suuriya u jihaadka tagay oo dhaawacantay

Mid ka mid ah gabdhihii soomaalida ee Suuriya u jihaadka tagay oo dhaawacantay

daajis.com:-Sida uu saxaafadda u xaqiijiyay aabaha dhalay gabdhihii dalka Suuriya u jihaadka tagaym waxaa dhaawac ah mid ka mid ah gabdhaha, isagoona intaa raaciyay in uu dhawaan filayo in ay dib ugu soo laabtaan dalka Norway oo ay ka tageen.

Gabadha dhaawaxa ah ayaa ah mida yar oo da`deeda lagu sheegay 16, halka mida kalena ay jiro 19.

"Iminka waxa ay gabdhuhu ku sugan yihiin guri dad aamin ah,  waxaana qorshuhu yahay in laga soo saaro Suuriya oo Norway dib loogu soo celiyo", sidaa waxaa yiiri qareenka reerka Geir Lippestad.

Aabaha gabdhaha oo iminka Norway ku sugan ayaa xilli uu baadigoobayay gabdhihiisa uu ugudaha u galay dalka Suuriya, halkaas oo sida uu sheegay lagu afduubtay, laguna jirdilay mudo 2-isbuuc ah.

Gabdhahan walaalaha ah ayaa mudo labo bilood ka hor ah waxa ay u ka tageen Norway iyagoona u jihaad tagay dalka Suuriya si ay u caawiyaan "muslimiinta".
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada