Mike Tyson oo loo diiday in la siiyo Viiso uu ku galo UK

Mike Tyson oo loo diiday in la siiyo Viiso uu ku galo UK

daajis.com:-Feerayahankii hore Mike Tyson ayaa loo diiday in uu galo Dalka UK kadib markii Waaxda socdaalka dalka Uk ka biya diideen in ay siiyaan viiso dal ku gal xili uu doonayay in asbuucaan yimaado Magaalada London.

Xiddigaa ayaa bedalka London ka digay Magaalada Paris waxa uuna halkaa waraysi ku siiyay Sxaafada asaga oo sheegay in loo diiday sharcigii dal ku galka ee dalka Uk islamarkaana uusan aqoonin sababta.  

Waxaa jiray isku daya la doonayay in wax looga bedalo sharciyada dadka dal ku soo galka hela kaa oo qorshahiisa la soo bilaabay 2012 laakiin ma dhacin arintaa waxaana Mike Tyson  howshaa ku tilmaamay la yaab.

Sanadii 2012 ayaa xiddigaa xili uu tagay London waxa uu qoray buug uu kaga hadlayo wax ka bedal sharciga dadka soo galootiga ah asaga oo Uk ku dhaliilay in dadka midowga ah madab takoorta hayeeshee arintaa ayuu iminka raali galin ka bixiyay

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada