Nicholas Kay oo maanta Gaaray Magaalada Beledweyn Halkaas oo si...

Nicholas Kay oo maanta Gaaray Magaalada Beledweyn Halkaas oo si...

daajis.com:-Waxaa maanta magaalada Beledweyn ee xarunta gobalka Hiiraan markii ugu horeysay gaaray ergayga gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay.
Waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyn ku soo dhoweeey ergayga maamulka degmada,kan gobalka iyo saraakiil.
Nicholas Kay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horeysay oo uu booqasho ku yimaado magaalada Beledweyn tan iyo markii uu la wareegay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Waxa uu sidoo kale sheegay kay inta uu jooga magaalada in uu kulamo la qaadan dooono maamulka, waxgaradka, qaybaha bulshada iyo ciidamada AMISOM.
Amaanka magaalada ayaa ahaa mid si weyn loo adkeeyey,iyadoo ergayga iyo wafdiga la socday ay ammankooda sugayeen ciidamada AMISON ee ku sugan magaalada ,gaar ahaan ciidamada jabuuti.
Waxa ay ku soo beegmaysaa booqashada uu Nicholas Kay ku tagay Beledweyn,xili gobalka Hiiraan uu ka socday dadaalo lagu doonayo in maamul ay dadka soo doortaan laga hergaliyo gobalkaasi
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada