QISO CAJIIB AH:- Nin Sheekh ah ayaa wuxuu yiri

QISO CAJIIB AH:- Nin Sheekh ah ayaa wuxuu yiri

daajis.com:-Aniga oo Gurigayga jooga ayaa Baabuur Ordayaa Gurigayga soo hor Istaagay. waxaa ka soo Degay Labo Nin markaas ayay igu yiraahdeen: Sheekhow waxaan u Baahan nahay inaad Meydkan noo Dhaqdid, markaas ayaan ku iri: Aaway Maydku? waxay yiraahdeen Baabuurka ayuu Saaran yahay, markaas ayaan ku iri:- soo Dejiya. ka dib ayey soo Dejiyeen, waxayna Dhigeen Qolkii aan ku Dhaqaayey Meydka.

markaas ayaan Bilaabay inaan Marada ka Furo Ninka markaan Wejiga ka qaaday waxaan Arkay Wejigiisii oo Dumay, isla markaasna Timo ka soo Baxeen oo la Moodo Waraabe, markaas ayaan dib u Cararay oo waxaan u Tagay Labadii Nin, markaas ayaan ku iri: Ninkan maxaa ku Dhacay? markaas ayuu Labadii Nin midkood iigu jawaabay:- Ninkan Shil ayuu ku Dhintay. ka dib Sheekhii wuxuu yiri:- waxaan dib ugu noqday Meydkii laakin Hadana waxaan la Kulmay Mucjiso kale markaan Meydka is Dhaho Wejigiisa Xaga Qiblada ujeedi wuu Diidayaa. 

Anigoo yaaban ayaa Cabaar ka dib waxaa ii soo Galay Labadii Nin mid ka mid ah oo Ooynaaya markaas ayuu igu yiri:- Sheekhoow ilaahay Dembigeena ha Dhaafo? Markaas ayaan ku iri Maxaa Dhacay? kolkaas ayuu igu yiri:- Ninkan Dhintay Saaxiibo ayaanu aheyn Wiilkan Dibada taagana waa Walaalkiis, laakin Ninkani Shil Baabuur kuma Dhiman, oo Gurigiisa ayuu ku Dhintay, Dar Allaahna wuu u Dhintay, laakiin Ninkani Weligiis Salaad ma Tukan, Deriskana uma Fiicneyn, Ehelkiisana ma Xiriirin jirin.
Wabillaahi Towfiiq.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada