Rabshado ay dad ku dhinteen oo ka dhacay magaalada Burco

Rabshado ay dad ku dhinteen oo ka dhacay magaalada Burco

daajis.com:-Inta la ogyahay labo qof ayaa ku dhintay laba kalena waa ay ku dhaawacmeen rabshado dibadbax oo shalay ka dhacay magaalada Burco, waqooyiga Soomaaliya.

Dhimashada iyo dhaawaca ayaa ka dhalatay rasaas ay fureen ciidamada amniga ee magaalada Burco oo doonayay inay ammaanka sugaan.

Maamulka Gobolka ayaa sheegay in qalalaasahan uu ka dambeeyey taliyayaasha ciidamada booliiska oo la isku beddelay.

Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Axmed Cumar Cabdullaahi "Xamarji", ayaa sheegay in xaalaaddu ay degantahay iyada oo wafdi wasiirro ah oo xukumadda ka socda ay ku suganyihiin magaalada.

Waraysiga Guddoomiyaha oo dhamaystiran ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada