Afhayeenka Shabaab oo ka hadlay weerarkii xalay ay ku qaadeen hotel Jazeera

Afhayeenka Shabaab oo ka hadlay weerarkii xalay ay ku qaadeen hotel Jazeera

daajis.com:-Afhayeenka xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage "Cali Dheere" ayaa maanta ka hadlay weerar ay xalay ku qaadeen hotelka Jazeera ee magaalada Mudisho halkaas oo uu sheegay in ay ku dileen 40-ruux oo saraakiil iyo cadaan isugu jira.

Cali Dheere ayaa waxa uu sheegay in hotelkaasi laga soo abaabuli jiray waxa uu ugu yeeray "makri" amaba qorshaha ay dowladdu ku howlgasho ee lagu dhibaateeyo muslimiinta, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in ay halkaasi ku dileen ugu afartan ruux oo isugu jira saraakiil ciidan oo kala duwan iyo rag cadaan ah.

Dhanka kale wararku waxa ay sheegayaan in weerarkii xalay ay ku dhinteen 11-ruux, iyadoona dhaawac intaa badan uu geystay.

Weerarka ayaa loo adeegsaday labo gaari oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada