Sheeko Xiis Leh: Haboon Iyo Aabaheed

Sheeko Xiis Leh: Haboon Iyo Aabaheed

daajis.com:-Haboon waxaad jeceshahay in aad u labisato si heer sare ah, waxa aad xidhata dharkii ugu danbeeyay uguna qaalisana, in kastoo ay Reerkiinu iska ladan yihin way yara diidan lacagta badan ee aad  ku qarash garayso dharka, hadana waa beer wax dhalay uun, oo waxba kaama haysan karaan.

Labaddii bilood ee fasaxa ahaa, dugsiguna xidhnaa, waxaad Booqasho ugu tagtay walaasha oo Itoobiya dagan, waxaa booqashada ku dheer Dalxiis iyo in aad ka soo iibsatay dhar aan laga helin magalada aad joogto, si aad uga labis qurux badnaatid Gabdhaha Da?aadada. Waxa

kale oo aad booqashada uga fa?iidaysatay in aad sawiro ku soo gashid Itoobiyada.
Haa, odayga ku dhalay waa in aanu arkin sawiradan, hadii uu arko maxaa dhici kara? Waxaa kaga imaanaysa canaan. Canaan maxay ah, ma in aan is sawir waxaan ahayn ban sameeyay? Maxaad sida u leedahay, miyaadan ogayn in aabaha uu yahay Shiikh, in kasta oo aanu diinta wax badan ka aqoonin hadana inta uu yaqaano wuu ku adagyahay, Shanta salaadoodna masaajidka ayuu ku tukada, oo ma ogolaanayo sawiradan aad qaarkod bilaa garba saarta tahay.

Waa run, waa in aan aabahay ka qariya sawiradan, hadii kale mar danbe iima ogolaanayo in aan Itoobiya imaado. Waxa kale oo laga yaaba in uu qiil u helo inuu Dugsiga iga saaro, oo uu dhaho dhaqan xumadanba iskuulka laga barta. Wallahi way dhici karta oo aabaha awalba raali kamuu ahayn in aad waxbarashada sii wadato.
Haboon hada waa 17 jir, oo hada ayay usoo gudubtay dugsiga sare. In kasta oo ay imtixaankii loogu gudbayay dugsiga sare keentay natiijo fiican, hadana anigu raali kama ahi in ay waxbarashada sii wado, oo waa tii hore loo yidhi `Gabadh ama gunti rageed ama god hakaga jirto? laakiinse waxaa igu qasbay inaan u ogolaado, baryadaadi badnayd oo caloosha I hurisay iyo Islaanta hooyadeeda oo igu qancisa in waxbarashadu wiilasha oo kaliya aanay waxtar u lahayn.

War nimanyahow waxbarasha wax taraysa lahaynine, Ma laga yaaba in ay inantaa yari ceeb iiso jiido? Maya, maya intaanay igu dhalinyaroobin oo aan la odhan; ?duqii warsame ahaa inantiisiba halkaas wiil yar la maraysay? waa in aan anigu u guuriya.

Hadaba aan ka fikiro nin wanaagsan oo iyada dhaqan kara, ka waran odaygan Aw Abokor ee aad saaxiibka tihiin? Waana nin xoolo leh. May, maya kaas ka daa, ma ninka 10 caruurta leh ee labadda xaas leh baad inanta yar u dhisaysa? Caruurtiisaba ka waaweyn inanta yar.


Bal sug mar kale aan maskaxda yara wareejiye, haa, hadan helay. Ka waran wiilkan dhalinyarada ee ka eedama masaajidkan aad ku tukatid? Wallahi wa wiil iyada la da?aad ah, oo akhlaaq iyo Diinba leh. Wa run waa kii ramadaantii dhawaydna isagu Taraawiixda na tujinayay.

Isaga markaad u sheegto, waad hubta in aanu ku diidayn, waayo waa duca qabe, walee hooyadii iyo aabihi kaas way u duceeyen. Bal hadaba tan aad dhashay ma yeeli doonta? Oo maxay ku diidaysa waa wiilka quruxda iyo diintaba lehe. Iga walee haday taladayda diido waaba iga dayro!!


Haboon Markii aad ka timi Itoobiya, Aabaha wuxu ku sheegay in aad kala dooratid duco iyo habaar. Ducadu wa in aad yeeshid Aabaha wuxuu kugu taliyo, habaarkuna wa in aad diidid!! Talo way kugu cadaatay,waayo aabaha hadal kuma diidi kartid, riyadaaduna waxay ahayd in sida boqorada lagu arooso markaad waxbarashada dhamaysatid.

Wax walba waxay kugu noqdeen kadis, dalxiiski iyo wakhtigii fiicna ee aad soo qaadatay waxaa ku ilowsiiyay arintan, lakiin Aabaha waxaad ka codsatay in uu ku siiyo fursad aad wiilka ku wada sheekaysatan oo aad isku fahantan, nasiib wanaag aabaha taas wuu ka ogolaaday.

Wuxuu malin aabaha ku sheegay in aad beri, salaada casar kadib isu diyaarisid in aad la kulmaysid wiilkii lagu siiyay. Timahad u dabatay si dag-daga, waxaad diyaarisay shaah xawaash iyo san jabiil leh, waanad ogayd in wiilku sheikh yahay, sida daraaded caagad caano ahna wad sii dirisay.

Markii wiilkii iyo aabaha oo wada socda yimaadeen, ee aad siisay waxaad ugu tala gashay ayaa layskiin baray, waxaa dhacday in odaygii aabaha ahaa isku dayo inuu adiga iyo wiilka iskaga kiin taga si aad u wada sheekaysatan. Lakiin shiikhi lagu siiyay odaygii aabaha oo kadinka maraya ayuu ka daba yeedhay oo uu ku yidhi kaalay adeer(diintu ma ogola in laba dhalinyaro ah laga tago iyagoo kaliya, waakii ilahay aayada ku yidhi??.. xadiiskii saxeexa ahaana wa kii ahaa?..)

Adigu wad jeclayd in labadiina layskaga kiin tago oo aad is fahantan, lakiin waxaad naftada ku qancisay in maanta ay tahay malintii ugu horeysay oo ay maalmaha danbe wax is badali doonan. In wax is badalaan iskaba daaye waaki wiilki diidayba inuu gurigii dib usoo galo

Oo waa kii ku yidhi: walaal labadeenu waxaynu kulmayna malin walba Shanta galab nimo, (waliba adigu intaad guriga gasho oo aad albaabka yoo xidhato, ayaan aniguna albaabka oo xidhan kadinka istaagaya, oo halkaas baynu ka wada hadlayna!!) wa adiga sii fajacay, ee hadana isku laab qaboojiyay beri-bay hagaagi.
Waxaad mudo ku wadaan sida, oo u albaabka oo xidhan kadinka ka qayliyaba. Waakii maalintii danbe Taleefoonka kala soo hadlay oo ku sheegay inuu galabta hadyad ku keenayo!! Wa adiga is yidhi mala wuxuu ku soo wada (Cadar, Mobile, Computer IWM)

Maanta alaabbu sida oo albaabka in la fura waa qasab, mar hadii albaabku furan yahay ileen guriga soo gali maaye wa in aad adigu Kaabada fadhiisata. waa kaas soo socda, bacna ma side tolow hadyadii meeday? Markuu sida ku arkay dacwad buu bilaabay (waa maxay diracan aad xidhantahay? Maxa in aad wadada ku qososho oo ragu ku arko. ilahay wuxuu yidhi?. Xadiis saxeexa ayaa leh?..) cabaar marku khudbadii jimcaha oo kale jeediyay

Ayaad is tidhi si aad jawiga u badashid hadyadii waydii, wuxuu jeebka sare ka soo saaray Canjalad yar oo nooca kaaseedka ah!! Intaad yaabtay ayaad is tidhi malaa afka hadaladu ka odhan kari waayay ayuu canjaladan ku soo duubay. Laakiin sida ma ahee wuxuu ku sheegay in ay ku duubantahay (Suurada Quluuxiya) oo ay wanaagsantahay in guriga lagu shido. Adigoo yaaban, ayaad u sheegtay in aanu gurigiina oolin Rikoodh canjaladaha noocan ah lagu dhagaysto!! Waayo canjaladan waxaa la isticmaali jiray wixii ka horeeyay 2000.


Cabdixaafid Mowliid (Weheliye)

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada