Aroos Farxad Ku Bilowday Murugo iyo Oohon Ku Dhamaaday dadna ay ku dhinteen oo Xalay ka dhacay Magaalada ..

Aroos Farxad Ku Bilowday Murugo iyo Oohon Ku Dhamaaday dadna ay ku dhinteen oo Xalay ka dhacay Magaalada ..

daajis.com:-Munaasabada Arooska Oo Xalay Ka Dhaceysay Magaalada Cape Town Isla Markaana Si weyn Bulsho badan oo u badnaa Dhalinyaro ay Kasoo Qeyb Galeen ayaa waxaa ka dhacay fal naxdin badan xilli xaflada munaasabada ay socotay.

Howlka Xaflada ay ka dhaceysay waxaa aad usoo Buux dhaafiyay Boqolaal Dhalinyaro ah waxaana xilligaa Socday Heeso Qoob ka Cayaaro ah Oo ay qaadayeen Fanaaniin Da,yaraa oo Lagu Casuumay arooskaas Waxaase Mar Qura Jawigii Farxada Iyo Damaashaadkii uu Isku Badalay Mid Kala Carar Iyo Orod Iyo Naxdin Noqday.

Wiilk Ka Mid ahaa Dhalinyarada Xaafada Bellvel Oo Soomaalida Dagan Tahay Ayaa waxaa Lagu dilay Iridka Hoose Ee Goobta Xaflada Ka Socotay Waxaana Lagu Dhuftay Labo Xabadood oo Madaxa Ka Haleeshay Kooxdii Falka geystayna Waxa ay Isaga Baxsadeen.

Ciidamada Police ka oo Kala Buriyay Dadkii Xafada Joogay ayaa Sameeyay Baritaano Kala Duwan ayada oo Halkaa Meydka Ka Qaaday.

Warar Kala Duwan oo Dadka ay isla Dhax marayaan ayaa sheekaya in dilka ninkaan uu ka Dambeeyay Muwaadin kale oo Soomaali ah Oo Arimo Ganacsi ay ka dhaxeyeen Marxuunka geeriyooday Sida la sheegay oo Lagu Magacaabi Jiray Gacameey.

Hadal heynta Ugu Badan Magaalada Cape Town ayaa Saakay aheyd Arooskii Farxada Ku Bilowday Ee Murugada Ku Dhamaaday Ayada oo arooska iyo arooska ay Si Wadajir ah Uga soo Dul boodeen Ninkii Meydka ahaa ee Dhulka Yaalay .


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada