Daawo : Fanaanada Reer Mareykan Jennifer Grout Oo Diinta Islaamka Qaadatay , Cod Macaan Ayay Faatixada Ku Aqrineysaa.

Daawo : Fanaanada Reer Mareykan Jennifer Grout Oo Diinta Islaamka Qaadatay , Cod Macaan Ayay Faatixada Ku Aqrineysaa.

daajis.com:-Faananada caanka ah ee reer Mareykan ee Jennifer Grout una tartameysa sanadkii 3-aad barnamaijka Arabs Got Talent ee Mareykanka ayaa qaadatay diinta islaamka iyadoo ku muslimtay dalka Marocco, iyadoo fanaanadaan ay ku haysto luqadda carabiga

Jennifer Grout oo 23-sano jir ah ayaa ku soo muuqatay muuqaal iyadoo shaacineysa qaadashada diinta isalaamka kuna dhawaaqeysa shaahadateynka isla markaana aqrineysa aayado quraanka ah xilli imaam masjid iyo qof la rumeysan in uu yahay ninkeeda reer Morocco Sacid ay wada joogaan .

Lahjadda ay ku hadlayeen ayaa aheyd Tamazight balse iyada sida muuqatay xoogaa waa ay fahmeysay maadaama uu ugu sheegayay in shaahadateynka ku dhawaaqdo .

Xilli qofka u qabanayay shaahadateynka uu u sheegayay fanaanadaan tukashada salaadda ayuu ninkeeda soo dhex galay una sheegay shaqsiga shaahadateynka qabanayay in ay aqrin qarto suuradda Faatixadda iyadoo ka dib qaab tajwiid ah ku aqrisay .


Jennifer Grout ayaa muddo sanad ah ku nool magaalada maraakish ee dalka Morocco waxa ayna ku hadashaa lahjadda reer Morocco Waxaa xusid mudan in warkaan oo bogga Morocco si weyn u soo daabaceen ayaa sidookale waxaa soo dabaacday wakaalada wararka dalka Morocco

Halkaan ka daawo iyadoo shahaadateynka loo qabanayo ka dibna cod macaan ku aqrineysa 

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada