Daawo:- Nin baddu qaadday oo badbaaday saddex malin kaddib

Daawo:- Nin baddu qaadday oo badbaaday saddex malin kaddib

daajis.com:-Nin u dhashay dalka Taiwan oo ay biyaha badda qaadeen isagoo kallumaysanayo ayaa la helay isagoo bad qabo.
Ssaddex maalmood ayuu ku dhexjiray biyaha.
Ninkan ayaa la sheegay in uusan garanayn dabbaashu.

Boqolaal kilomitir

Tseng Lien-fa ayaa sheegay inuu qabsaday oo uu ku dhegay geed ku dhexjiray biyaha.
Waxaa uu biyuhu dhex socday boqolaal kilomitir.
Waxaa meel xeeb ah ka badbaadiyay dad gurmad ahaa, waxaana la geeyay isbitaal si loogu daweeyo.

"Waxaan arkay iftiin"

Tseng Lien-fa ayaa sheegay inay jirtay xilli uu arkay iftiin, oo uu isku dayay inuu dhankaas u dhaqaaqo.
Balse waxaa uu leeyahay "waxaa iga xoog badiyay hirka ilaa ay tabarta iga dhamaatay."
Ugu dambayntii, hirka ayaa igu soo tuuray ayuu yiri xeebta, halkaas oo laga soo badbaadiyay.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada