Daawo Sawirada:- Madaxweynaha Soomaaliya oo ka guddoomay sanjiraha Fransiiska warqadihii aqoonsiga safiirnimo

Daawo Sawirada:- Madaxweynaha Soomaaliya oo ka guddoomay sanjiraha Fransiiska warqadihii aqoonsiga safiirnimo

daajis.com:-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka guddoomay waraaqihii aqoonsiga, danjiraha ay dowladda Faransiisku u soo magacowday Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Danjire Rémi Maréchaux kusoo dhoweeyay Qasriga Madaxtooyada, waxaana kulankaasi goob joog ka aheyd Sii-hayaha Wasaaradda arrimaha dibadda Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay tallaabada ay Dowladda Faransiiska ku dhaqaaqday ee ay Soomaaliya Safiir ugu soo dirsaday, isagoo tilmaamay in tallaabadani ay daliil cad u tahay horumarka laga gaaray nabadeynta iyo dowladnimada Soomaaliya.



Wuxuu Madaxweynaha soo dhoweeyay in Faransiiska maalgashi ku sameystaan arrimaha Tamarta iyo dhinacyada kale ee ay xiiseynayaan.

Danjire Rémi Maréchaux ayaa u mahad celiyay madaxda Dowladda Soomaaliya, isagoo tilmaamay in xaalada Soomaaliya ay xiligan tahay mid aad u sareysa oo horumar dhinac walba leh ay Dowladda ka gaartay arrimaha siyaasadda iyo amaanka.

Wasiirad Fowsiyo ayaa dhankeeda soo dhoweysay xiriirka cusub ee Dowladda Federaalka iyo Dowladda Faransiiska, iyadoo sheegtay in labada dhinac ay iska kala faa'iideysan doonaan. 



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.


https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada