Daawo Sawirada Maxaabiis Suuriyaan ah oo Xabsi gudihiisa loogu dilay Silic iyo Saxariir qaarkoodna Gaajo ugu dhintay

Daawo Sawirada Maxaabiis Suuriyaan ah oo Xabsi gudihiisa loogu dilay Silic iyo Saxariir qaarkoodna Gaajo ugu dhintay

daajis.com:-Qareeno caalami ah ayaa sheegay in ay arkeen caddeymo muujinaya in kumanaan jeelashada Suuriya ku jiray oo dawladdu xirtay la jir dilay, Waxa ayna sheegeen in dad gaaraya 11,000 oo ruux gaajo iyo haraad loo dilay.

Warbixinta ay qareennadan soo saareen waxaa dalabtay in laga shaqeeyo dawladda Qatar, oo iyadu taageerto mucaaradka Suuriya.

Warbixintan waxaa soo saaray 3 garyeqaan oo qaabilsan dambiyada dagaalka ,Waxayna ku sheegeen in ilaa 11,000 oo maxbuus oo u xirnaa dawladda Suuriya gaajo loo dilay, qaar kale jir dil ba'an loo geystay oo ay u dhinteen tan iyo billawgii kacdoonka ka dhanka ah Madaxweyne Bashar Al-Asad.

Prof David Crane oo ka mid ah dadkii diraasadda ku sameeyay sawiradii laga qaaday dadka la sheegay in dawladda Suuriya ay u xirnaayeen ee lagu tacadiyey, ayaa sheegay inay tani caddeyn booxda u tahay in xadgudubyada ay ahaayeen kuwa qorshaysan.

Sawirradan ayaa la sheegay inuu soo qaaday nin ka soo goostay dowladda Suuriya oo ka shaqeyn jiray ciidammada ammaanka ee dalkaas.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.


https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada