Daawo Sawirada:- "Shirkii wadahalada Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ee Turkiga oo soo dhammaaday

Daawo Sawirada:- "Shirkii wadahalada Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ee Turkiga oo soo dhammaaday

daajis.com:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa sheegaya in halkaas uu goordhow ku soo dhammaaday wadahalada Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland, kuwaasoo muddo seddax cisho shir lahaa.

Labada dhinac ayaa goordhow kala saxiixday heshiis ka kooban dhowr qoddob,Waxaa ugu muhiimsan in labada dhinac ay isla garteen in ay u cambaareeyaan xasuuqii ka dhacay gobalada Waqooyi ee Somaliland, xilligaas oo dalka uu madaxweyne ka yahay Maxamed Siyaad Barre, siddaas waxaa u sheegay VAO, wasiirka amniga dowladda Soomaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.

“Waxaan kala saxiixanay heshiis ku saabsan in saddexdii bil aan mar ku kulano dalka Turkiga, in la abuuro kalsooni, teeda kale hadafka iyo wadahallada waa mid iska cad, oo ah sidii aan dib u soo celin lahayn midnimadii iyo wada jirkii Soomaaliya iyo in Walaalaheen ay ku soo laabtaan xeen daabka guud ee dowladda”ayuu yiri Wasiirka Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ku heshiiyay muddo 90 cisho kaddib in ay ku soo laabtaan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Marka loo eego wadahadaladii horre, kan markan ayaa ah mid ay isku soo dhawaadeen marka loo eego labada dhinac heshiisyada ay yeesheen tan iyo sannadkii 2011-ka.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada