Daawo Sawirada:- Warar dheeri oo kasoo baxaya qarax ka dhacay garoonka Jomo Kenyatta oo nin loo dilay

Daawo Sawirada:- Warar dheeri oo kasoo baxaya qarax ka dhacay garoonka Jomo Kenyatta oo nin loo dilay

daajis.com:-Waxaa socda baaritaano la xariira qarax xalay ka dhacay garoonka Jomo Kenyatta iyo nin lagu dilay meel aan ka fogeyn garoonka, kaasoo lala xiriirinaayo inuu xiriir la lahaa qaraxii xalay ka dhacay garoonka.

Booliska ayaa sheegay in ay heleen meydka nin dhalinyaro ah saacad kadib markii uu qarax uu ka dhacay gudaha garoonka Jomo Kenyatta, kaasoo rasaas ay fureen Booliska ku geeriyooday.
Meydka ninkan oo laga helay gaariga noociisu ahaa Toyota Avensis xili albaabada hore ay furnaayeen, qeybaha danbena rasaas kaga tiilay.

Goobjooge la hadlay Wargeyska Daily Nation ayaa sheegay in labo ruux oo lagu tilmaamay in asalkoodu yahay Soomaali ay ka dageen gaariga kadibna raaceen moodada nooca loo yaqaan dhugdhugley.
Baarista ay ciidamada Booliska sameeyeen ayaa waxay ku arkeen gaariga dhiig badan oo dhex yiil gaariga iyo koob laga leeyahay baar lagu magacaabo Java Coffee. Sidoo kale ay ciidamada booliska qarxiyeen waxyaabo   ku rakibnaa kuraasta gaariga.

Si rasmi ah looma oga dhacdadan iyadoo ay socdaan baaritaano ay wadaan laamaha amaanka.

Hase ahaatee Taliyaha Booliska kenya David Kimaiyo ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa ka dhashay gudaha garoonka inaan la kala cadeyn karin inuu ahaa nal qarxay iyo in boorso looga tegay gudaha garoonka ay qaraxa ka dhashay.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.


https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada