DAAWO VIDEO:- Feeryahan Soomaaliyeed oo dhulka lagu jiiday Denmark

DAAWO VIDEO:- Feeryahan Soomaaliyeed oo dhulka lagu jiiday Denmark

daajis.com:-Feeryahan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Ismael Tooxow ayaa guuldaro kala kulmay tartan feerka Danish Championship ee miisaanka 93 kg,ee nooca MMA Fightgym ah oo ka dhacay magaalada Odense ee dalka Denmark.


Ismaaciil Tooxow ayaa la tartamay feeryahan kale balse daqiiqadii u horeysay guuldaro la kulmay markii dhulka dhinaca loo dhigay ee lala helay dhowr feer.

Inkastoo Ismaaciil uu muujiyay dadaal hadana waa guul dareystay, waxaase u harsan kulan kale, kaasoo uu ballan qaaday inuu guul ka gaari doono si uu u qanciyo taageerayaashiisa.

Tartankan ayaa qeyb ka ah Danish Championship, waxaana ku tartamaya dhowr feeryahan.

Ma ahan markii ugu horeysay ee Ismaaciil uu tartan noocaan uu ka qeybgalo, iyadoo sanadkii hore uu guul ka gaaray tartankan midkii ka horeeyay, walow aakhirkii la reebay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.


https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada