DALKA ENGLAND OO PASSPORT KIISA U OGALAADEY IN LASIIN KARO DADKA HADIILA YAASHA AH"sebebtu Maxey Tahey".

DALKA ENGLAND OO PASSPORT KIISA U OGALAADEY IN LASIIN KARO DADKA HADIILA YAASHA AH"sebebtu Maxey Tahey".

daajis.com:-Dowladda Ingariiska ayaa waxay soo bandhigtay Qanuun cusub oo aan isagoo kale horay Taariikhda Dalkaas loogu baran, kaas oo dhigaya in Dadka Shisheeye ee Hantida badan heysta, gaar ahaanna Carabta loo ogolaado inay iibsadaan Baasaboorka iyo Dhalashada Ingariiska.

Tani waxay noqonaysaa Iib Xaraash ah oo ugu dambeyn u fududeynaya Qofkii Hantiile ah ama Ganacsade ah inuu iibsado Baasaboorka Ingariiska.

La taliyayaal ayaa Dowladda Ingariiska u gudbiyay Soo jeedin ay Dowladdu qaadatay ka dibna Baarlamanka la horgeynayo, taas oo looga gol leeyahay in Muhaajiriinta Hantida heysta lagusoo dhaweeyo Dalkaas, si looga helo Fursad lagu kobcin karo Dhaqaalaha Dalka.

Waxaa kaloo Qorshahan lagu doonayaa inay London ku noqto Caasimad ay Hantiilayaasha Dunidu joogaan, Shirkadaha Jinsiyadaha kala duwan kuwooda ugu waynina ay Sal-dhigtaan.

Sida Mashruuca lasoo jeediyay ku
cad, waxay Hantiilayaashu Baasaboorka Ingariiska ka heli doonaan Suuqyada Xaraashka oo ay Lacagta ugu badani bixinayaan, amaba waxay ku bedelan doonaan Taakuleeyn Dhaqaale oo ay siinayaan Jaamacadaha iyo Isbitaalada si loo xoojiyo Adeegyada Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Wargeyska The Times ayaa Warbixin uu qoray ku sheegay in Barnaamijka Dhalashada lagu siinayo Maal-gashadayaasha oo iminka Ingariiska ka jira uu noqday Hab Qiimo jaban oo ay ka faa’ideysteen Hantiilayaal badan oo u dhashay Ruushka, Shiinaha iyo Dalal kale, kuwaas oo Deganaasho sugan ka helay Ingariiska ka dibna iyaga iyo Qoysaskooduba usoo guureen London.

Balse Barnaamijkaas wali wax badan kuma uusan soo kordhin Dhaqaalaha Ingariiska.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada