Ilhaan Cadey :- Ninkeyga Sida Caruurta Ayuu U Dhaqmaa Anna Waan Dhibsaday Sidee Wax Yeelaa , Ila Taliya

Ilhaan Cadey :- Ninkeyga Sida Caruurta Ayuu U Dhaqmaa Anna Waan Dhibsaday Sidee Wax Yeelaa , Ila Taliya

daajis.com:-Waxa ey Warqad Talo Celin ah Naga Soo Gaartay Gabar Magaceeda La Yiraa Ilhaan Muuse Hayeeshee Ilhaan Soomeysan Soo sheegin Wadanka ay ku sugan tahay, Waxa Eyna Qoraalkeeda oo ahaa Mid Gaaban Ku Bilowday sida Tan:-
Mudda Ku Dhawaad Mudda Sanad ah ayaan oori Rageed ahay, Dhibka i Heysatana Xaajiyow Waxa uu Yahay Ninkeyga Sida Caruurta oo Kale Ayuu u dhaqmaa ane Waan Dhibsaday, Arinkaasna Waxaan ku Arkay Guurkeena Kadib, ilaa Xiligan Sanadka ah ee aan Aqalka Qura wada Joognana Ma jirto Wax uur ah oo aan u Qaaday, ee Sideen ka Yeelaa Xaajiyow

Talo Celin
Ilhaan aad Baad Ugu Mahadsan Tahay Talada aad Nasoo Weydiisatay, Marar Badan ayeey Dhacday oo Arinka Hadda Ku Heysata Talo Nagala Soo Weydiistay, Balse Talada lagu Siinaya ayaa Waxa ay Noqoneysaa, Dadku inta ay Banaanka kala Joogaan ama eysan Isguursan Wax Badan oo Qarsoon oo Guurka Ka Dib soo Baxa ayaa Jira Soomalidana Waxa ay Tiraahdaa Laba Is jecel Wax Isugu Dar iyaga ayaa Is Nici Doonee Taasoo Lamacna ah Dad is Jecel oo Bananka Wax Ku Wadaga Hadii Hal Aqal Todobaad Kuwada Noolaada la Yiraah lama Weynaya wax ay Isku Qilaafaan.

Marka Mudada Sanadka ahba Waa Dulqaadatee isku Day Inaad Dulqaadka Badisaa, Teeda Kale Ninkaaga usheeg Waxa aad Dhibsaneysid Waxa laga yaaba Inuu Is Garto oo Wax Badan uu Dabeecediisa Ka Badalee Haduuba Ku Jecel yahay Kuna Dheh Wixi Dhibkaaga ah Waa Dhibkeyga, Wixi aniga Dhibkayga ahna waa Dhibkaaga, Horeyne aan Geediga u Wadno.

Teeda Kale Mida Xaga uurka ah Waa wax Qadarta eebe Ku Xiran ee Alla Bariga Wad Kuna Duceyso In Ilaah Idin Siiyo Ubad Ubad Dalka Dadka Iyo Diinta Wax Tara.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.


https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada