JAWAARI: - Waa guul usoo hoyatay soomaali oo idil natiijadii kasoo baxday doorashada Puntland

JAWAARI: - Waa guul usoo hoyatay soomaali oo idil natiijadii kasoo baxday doorashada Puntland

daajis.com:-udoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland ee la doortay maanta.

“Hor iyo horaan anigoo ku hadlaya magaceyga,magaca Gudoonka Baarlamaanka iyo magaca Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaan halkaan hambalyo uga dirayaa Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Prof C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyne ku xigeenkiisa Mudane C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Cameey oo aan ugu hambalyeeynayo xilka culus ee ay maanta u doorteen Golaha Wakiillada Puntland”, ayuu hadalkiisa ku bilaabay Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Madaxweynaha cusub ee la doortay Mudane Prof C/weli Maxamed Cali Gaas waa nin aqoonyahan ah mudooyinkan dambena kusoo dhexjiray siyaasadda isagoo kasoo qabtay dowladdii Federaalka KMGka aheyd xilal Wasiir iyo Ra’isulwasaare waxaanna aaminsannahay inuu gudan doono mas’uuliyadda iyo waajibaadka loo igmaday,si gaar ahna hirgelinta nidaamka Federaalka iyo hormarintiisa,ka Baarlamaan ahaanna waxaan rajo ka qabnaa wadashaqeyn joogta ah ineynu yeelano taasi oo aan ballan qaadeyno.


Nidaamka,degenaanshaha iyo daahfurnaanta ay doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland  u dhacday ma ahan kaliya mid uu ku ammaananyahay Golaha Wakiillada Puntland ee waa sharaf iyo guul weyn oo usoo hooyatay Shacbiga Soomaaliyeed guud ahaan,gaar ahaanna shacabka Puntland taasina waxey marqaati u tahay in Soomaaliya ay awood u leedahay maareynta arrimaha Soomaaliyeed guud ahaan,Golaha Wakiillada ee Puntland si gaar ah ayaan ugu ammaanaya sida ay Doorashadan u hageen.

Ugu dambeyntii waxaan Alle uga rajeyneynaa inuu u fududeeyo waajibaadka iyo howlaha shaqo ee horyaala Madaxweynaha cusub ee La doortay iyo ku xigeenkiisa,waxaan sidoo kale ku boorineynaa gobollada kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee aanay weli ka hirgelin nidaamka Federaalka iyo dhisida dowlad goboleedyada iney ku daydaan walaalahooda Puntland ugana daydaan hirgelinta hanaanka dimuqraadiyadda.

WABILLAAHI TOWFIIQ
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada