Mareynkanka oo balan qaaday in wadamo Soomaaliya ay ka mid tahay taageero Malitari ah siin doono

Mareynkanka oo balan qaaday in wadamo Soomaaliya ay ka mid tahay taageero Malitari ah siin doono

daajis.com:-Sida Bogeeda hore ay ku baahisay Washitong Post,Sarkaalka Mareynkanka Malitariga ugu qaabilsan Arimaha Africa Gen. David Rodriguez, ayaa sheegay inay sii wadayaan taageerada Malitari ay siinayaan wadamada ku qaarada Africa ku yaalo,isagoona hadalkiisa intaasi raaciyay inay sii wadayaan gacan saarka ay la leeyihiin wadamadaasi.
Rodriguez, oo hogaamiye u ah Malitariga Mareynkanka ee Africa oo la hadlay Wariyaasha ayaa yiri” Waxaa jira isbadalo badan oo dhanka Malitariga Africa ah,Waxaana rajo wanaagsan ka qabaa Mustaqalka”, ayuu yiri Mr Rodriguez.
Isagoo Mas’uulkaan hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in wadamada Soomaaliya,Libya iyo waliba Mali u baahan yihiin taageero caalami ah oo dhanka Malitariga ku saabsan,wuxuuna balan qaaday in si gaar ah wadamadaasi oo ka howlgalo Ururo Araggaixiso sida uu u dhagay u badin doonaan taageerada Malitariga.
‘” Waxaan aqoonsan nahay in Soomaaliya ay tahay wadamada ay ka jiraan dhibaatooyinka amaandarida,Mali iyo Libyana ka roona,laakiin Mareynkanka wuxuu hada ilgaar ah ku eegayaa wadamadaasi,” ayuu hadalkiisa raaciyay Sarlkaalkaan Mareynkanka arimaha Malitariga Africa u qaabisan.
Sidoo kale,Sarkaalkaan ayaa sheegay Mareynkanbka uu baadi goob u geli doono sidii Malitariga wadamada iyo Malitarigooda xiriir wanaagsan u dhexmari lahaa.
Taageeradaan Malitariga ee Mareynkanka uu siinayo wadamada Qaarada Africa ayaa loogu tala galay in lagula dagaalamo baahiyaha dhanka amaandarida ah ee Jirta.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada