Maxay Wargeysyada France, Italy, Spain, Germany Iyo Portugal Maanta Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga.

Maxay Wargeysyada France, Italy, Spain, Germany Iyo Portugal Maanta Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga.

daajis.com:-Maalin wanaagan akhayaarta sharafta leh meel kasta oo aad joogtaan ku soo dhawaada barnaamijkeena maalin laha ee inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga oo aan ku soo qaadano wararka xanta ay wargeysyada Yurub ka qoreen suuqa kala iibsiga.
Maalintii 21aad ayuu furan yahay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha Janaayo, waxaana weli socota xan badan oo la xiriirta ciyaartoyda la doonayo iyo kuwa diirada u saaran kooxaha Yurub.
Hadaba maanta waxaan idiin soo uruurinay wararka xanta ee ugu waa weyn ee ay wargeysyada Yurub qoreen. Xuquuqda wararkaan waxaa iska leh wargeysyada ku hor qoran laacib.net mas’uul kama ahan sugnaanshahooda.

  • L’Equipe: Sir Alex Ferguson ayaa wacay ciyaaryahankii hore ee Manchester United haatan macalin ka ah PSG Laurent Blanc si uu u weydiiyo hadii Cavani uu ku soo biiri karo kooxda David Moyes ee United.
  • France Football: PSG ayaa isku diyaarineysa xagaaga marka la gaaro inay lacag rikoor 80 milyan euro u bandhigto Chelsea si ay u helaan xiddigooda Eden Hazard.
  • L’Equipe: Madaxda PSG ayaa dhawaan laga yaabaa inay dalab 25 milyan ginni ka gudbiyaan ciyaaryahanka kooxda Newcastle Yohan Cabaye laakiin ciyaaryayhanka khadka dhexe ayaan hubin haddii ay tahay inuu koox bedesho iyadoo Koob Adduun uu soo dhow yahay.
spain
  • Marca: Atletico Madrid ayaa tartan kula jirta Manchester United oo ku aadan saxiixa kubadsameeyaha Chelsea Juan Mata.
  • Diario De Sevilla: Sevilla ayaa dalab 12 milyan ginni ka diiday koox aan la magacaabin oo ku aadan daafacooda Alberto Moreno kaasoo lala xiriirinayay kooxaha waa weyn ee Premier League.
  • Sport: Napoli ayaa ceyrsaneysa bishaan Janaayo inay hesho xiddiga reer Cameroon ee kooxda Barcelona Alex Song.
italy
  • Corriere dello sport: Juventus iyoo Inter Milan ayaa dhameystira heshiiska ay isku weydaarsanayaan Mirko Vucinic iyo Fredy Guarin inkastoo taageerayaasha Inter ay si xoog leh uga soo horjeedaan heshiiskaan.
  • Corriere dello sport: West Ham United ayaa dooneysa weeraryahanka Genoa Alberto Gilardino, halka Liverpool ay dooneysa ciyaaryahanka AC Milan Nigel de Jong si ay ugu bedesho xiddiga dhaawacan Lucas Leiva.
  • La Gazzetta dello sport: Napoli ayaa si xoogan u xiiseyneysa daafaca Arsenal Thomas Vermaelen, heshiiska ay ku doonayaana ma noqon doono mid adag.
germany
  • Weser-Kurier: Werder Bremen ayaan amaah kula wareegi doonin bishaan daafaca Juventus Marco Motta.
  • Bild: Eintracht Frankfurt ayaa ku guuldareysatay inay kala soo wareegto Roma Michael Bradley ka hor inta uusan u dhaqaaqin Toronto.
DUNIDA INTEEDA KALE:
  • A Bola (Portugal): Celtic ayaa isku diyaarineysa dalab 7 milyan euro oo ay ku doonayaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Benifca Filip Djuricic.
  • O Jogo (Portugal): Arsenal, Zenit St Petersburg iyo Valencia ayaa tartan ugu jira saxiixa xiddiga lagu qiimeeyo 25ka milyan ginni ee weerarka uga ciyaara Benfica Rodrigo.
  • Basellandschaftliche Zeitung (Switzerland): Liverpool ayaa isku diyaarineysa inay 18 milyan euro oo u dhiganta 15 milyan ginni ka gudbiso xiddiga Basel ee Mohamed Salah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.


https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada