TOOS:Dorashada Baarlamanka Puntland oo hada Socota

TOOS:Dorashada Baarlamanka Puntland oo hada Socota

daajis.com:-Hada waxa hortaagan mudanayaasha Baarlamanka Puntland gudoomiyihii hore ee Baarlamanki Pntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi .

Waxa uu hada akhrinaya C/rashiid Maxamed Xirsi Taarikh nololeedkiisa si uu kalsooni buuxda uga helo mudanayaasha cusub ee Baarlamanka Puntland .

Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa waxa uu soo noqday Gudoomiyihii Baarlamanka Puntland,2004 ilaa 2008diina waxa uu kamid ahaa Baarlamanka Puntland .

''Wax yaabihii aan sanadkii hore aan balan qaaday waxaa kamid ahaa inaan kor uqaadayo aqoonta Baarlamanka Puntland,waxaan sidookale balan qaaday inaan hoyga baaralamanka aan ka dhisayo masjid salaada lagu tukado waaana ku guulaystay ''Ayuu yiri Cabdirashiid Maxamed Xirsi .

''Waxaan gudiga ka codsanaynaa in Toban daqiiqo nalooka dhigo soo jeedinta taarikh nolo leedkayaga hada waxaad nasiisen lix daqiiqo ''Ayuu codsaday Cabdirashiid Maxamed Xirsi .''Waxaan Baarlamanka ufurnay koorsooyin luuqada ah,waxaan ufurnay siminaaro taasna waan ku guulaysano
''Intii wax qabad ahayd waxaan uga mahadcelinayaa baarlamankii hore waayo iyagaa igarab taagnaa ''sidaasi waxa yiri Cabdirashiid Maxamed Xirsi .''Waxaan balan qaadaya sii wadista koorsooyinka aqoonta baaralamanka iyo kor uqaadista waxbarashadooda,waxaan balan qaadaya inaan sameeyo bajad ay goboladooda ku tagaan mudanayaasha baarlamanka''Ayuu Cabdirashiid Maxamed Xirsi hadalkiisa ku soo gabagabeeyay .


Waxaa isna hada soo kacay oo Baarlamanka Hortaagan musharax Cabdixakiin oo isna kamid ah musharaxiinta utaagan gudoonka Baarlamanka Puntland.

''Waxaan ganacsade ahaa 1991 ilaa 200,luuqadahana waxaan ku kala hadla Luuqadayda Hooyo cabarbiga isna waan ku hadlaa,waxa igu kalifay inaan isu soo taago jagada gudoonka Baarlamanka markii aan arkay in goluhu ubaahan yahay gudoon daacad ah''Ayuu yiri musharax Cabdixakiin
''Wxaana aaminsanahay inaan ka soo bixi karo howshaan waana rajaynayaa inaan ku guulaysto ''Ayuu haalkiisa raaciyay .

Siciid Xasan Shire ayaa isna hada soo kacay oo kamid ah musharaxiinta Baarlamanka si uu qorshahiisa usoo bandhigo Baarlamanka Codka waydiisto .

Siciid Xasan ayaa gaba gabadii mudanayaasha ka codsaday in codkooda ay siiyaan si xalkaasi ugu guulaysto .

Musharax Axmed Cali Xaashi ayaa isna hada soo kacay oo ka sheekakaynaya taarikh nololeedkiisa .

Maxamed Cali Guuleed ayaa isna hada soo hor istaagay mudanayaasha Baarlamanka Si uu codka kalsoonida uwaydiisto xubnaha Baarlamanka Puntland .

''Waxaan oday idiinku npoqonaya hadii aad idoorataan inaan si ilkasnimo ah aan idiinla shaqaynaya idinkana idiin shaqaynayo waxaan oday idiinku noqondoona dhamaystirka shaqada hay'addaha dowliga ah oo la dhamaystiro ''Ayuu yiri musharax Maxamed Cali Guud.

Khudbadihii Musharaxiinta Gudoomiyaha oo dhamaaday hada waxa Bilowday gudoomiye ku xigeenada Gudoonka Baarlamanka .

Waxana hada hadlaya Salaad Xareed Cali oo utaagan qabashada hogaan gudoomiye ku xigeenimo .

Salaad waxa uu horay u ahaa gudoomiye ku xigeenki hore ee Baarlamanki wakhtigoodu dhamaday,waxana markale u suurtagashay in uu kamid noqdo Baarlamanka Puntland .

Waxa hada wali socda khudbadaha ay soo jeedinayaan Msharaxiinta Gdoomiye ku xigeenada waxana hadalka wata Musharax C/xamiid Shiikh Cabdisalaan .

Cabdixamiid ayaa ahan aqoon yahan soomaliyeed waxana uu sheegay in uu kuhadlo Afar luuqadood oo kale ah Soomaali,Englis,Arabi iyo waliba Faransiis .

Musharax Cabdulqaadir Sheebe oo kamid ahaa tartamayaasha gudoomiye ku xigeenada ayaa hada ku dhawaaqay in uu Tanaasulay .

Waxa hada soo kacay Cabdcasiis Siciid Gacamay isagoona mudanayaasha ka dalbaday in ay codkooda siiyaan .

Waxa hada laguda galayaa wajiga saddexaad ee doorashada gudoonka Baarlamanka Puntland.

Waxana taarikh nololeedkooda hada soo jeedinaya gudoomiye ku xigeenada labaad ee Baarlamanka Puntland .

Waxa hada hadlaya Musharax Xuseen Yaasin Xaaji diiriye oo noqonaya musharaxii ugu da,da waynaa musharaxiinta gudoonka Baarlamanka tartamaya .

Khudbadihii way soo dhamaaden Codayntii Mudanayaasha Baarlamanka ayaa hada Socota .
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada