Top news: Yusuf Garaad oo Gen Gaafow Ka waraystay Fadeexo uu dhex fadhiyo

Top news: Yusuf Garaad oo Gen Gaafow Ka waraystay Fadeexo uu dhex fadhiyo

daajis.com:-Waxaan daawaday Dulmiga Dahsoon oo ah video la soo dhigay Youtube. Waxaan ka mid ahay dadka aad u dhibsaday arrinta ay fasirtay gabar Soomaaliyeed oo sheegtay in gurigeeda uu xoog uga haysto, General Gaafow, oo jago weyn ka haya dowladda Soomaaliya.
Waxaa barnaamijka laga dhadhansan karay in shakhsiyaad magaca Jabhaddii USC ku dhacay hanti ma-guurto ah oo qaarna Qaranku leeyahay qaarna dad shicib ah, aan weli lagu dhicin in laga qaado hantidaas.
Xalay waxaan arkay General Gaafow. Gooni ayaan ula baxay. Waxaan ku dhahay, ma la socotaa eedeynta laguu soo jeediyay ee ku saabsan guri aadan lahayn in aad xoog ku haysato? Wuxuu yiri haa. Waxaan weydiiyay, ma jirtaa? Wuxuu yiri maya.
Waxaan u sheegay in aan daawaday Dulmiga Dahsoon, ayna igu adag tahay in aan aammino in waxa video-gaa ku jira oo dhan ay yihiin been aan haba yaraatee sal lahayn.
Wuxuu markaa ii sheegay in boos (jago) gurigiisa ka dambeya ay dad aan derisnimada ku wanaagsanayni xoog ku qabsadeen, xaafaddana ay khalkhal geliyeen,  isaga iyo dad kale oo xaafadda ah ay markaa lacag siiyeen nimankii si ay uga raraan xaafadda.
Booskiina ay derbi ku wareejiyeen si aan tuugo ula soo dersin. Wuxuu intaa iigu daray in aan isagu sheeganayn lahaashaha booskaas diyaarna u yahay in uu ku wareejiyo haddii si sharci ah loo caddeeyo milkiilaha. Waxaan weydiiyay haddii arrintu sidaa tahay sababta uu uga jawaabi waayay eedeynta culus ee loo soo jeediyay.
Wuxuu ii sheegay in uu jawaabi doono. Hadalkan uu General Gaafow ii sheegay iyo hadalka lagu sheegay Dulmiga Dahsoon way is diiddan yihiin.
Waxaan ugu baaqayaa hey’adaha garsoorka iyo amniga ee Soomaaliya in ay labada muwaaddin si deg deg ah khilaafkooda ay u xalliyaan. Taasi waxay sahli doontaa in uu shacabku aammino in sharci ka shaqeyo Muqdisho. By Yusuf Garaad.

riix halkan ee ka daawo muqalka



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada