War Cusub:- FAYSAL Waraabe oo Xasan Sheekh Dhulka Ku Jiiday & “Caasimada Oo Muqdisho Laga bedelayo (Dhegaysi)

War Cusub:- FAYSAL Waraabe oo Xasan Sheekh Dhulka Ku Jiiday & “Caasimada Oo Muqdisho Laga bedelayo (Dhegaysi)

daajis.com:-Guddoomiyaha xisbiga muraadka UCID  Feysal Cali Waraabe ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,  wuxuuna ku tilmaamay qof gabay shaqadii loo igmaday oo ku mashquulaya horrumarka ay gaartay Somaliland sidda uu yiri.
Feysal Cali ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh in uu wado qorshayaal uu ku kala dhantaalayo Maamulka La Baxay Soomaliland Xili Khilaaf Xooga uu ku Dhex taagan yahay Maamulkaasi.
Dhinaca kale Faysal  Cali Waraabe Ayaa Wuxuuna Sheegay In Haatan Loo Baahan Yahay In  Caasimada Laga Rarayo Magaalada Muqdisho.
Wariyaha Ayaa waydiiyey Caasimada Cusub ee Soomaliya Halka laga Dhigayo Iyo Cida Samaynaysa, Wuxuuna uga Jawaabay Si Qosol Leh.
Feysal Cali Waraabe waa nin hadallo kala duwan looga bartay, waxaa uu mar horre amaanay  dowladda Soomaaliya iyo horrumarka ay gaartay, Wuxuuna ugu Danbayn Sheegay Inaysan Waxba Kala Maqnayn Soomaliya.

HALKAN dhegayso WARAYSI


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada