War Deg-Deg ah:- Madaxtooyada Boosaaso oo la wareeray iyo Kooxihii weerarka geestay oo gacanta lagu dhigay

War Deg-Deg ah:- Madaxtooyada Boosaaso oo la wareeray iyo Kooxihii weerarka geestay oo gacanta lagu dhigay

daajis.com:-Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso caasimada Gobolka Bari ee Maamulka Puntiland ayaa sheegaya in Kooxo Hubeesan maanta weerareen Madaxtooyada Magaaladaasi kana qaateen halkaasi hub yaalay.

Kooxaha Hubeesan oon wali heebtooda la garan ayaa la sheegay in Weerar toos ah ku galeen Xarunta Madaxtooyada Boosaaso halkaasina ay ka qaateen hub iyo alaabo kale oo yaalay sida ay ku warameen Goob joogayaal.

Iska hor imaad gudaha Xarunta Madaxtooyada ku dhax maray Kooxihii hubeesnaa iyo ilaalada Madaxtooyada waxaa ku dhintay hal Askari halka tiro kale oo dhaawacyo ahna la geeyay Goobaha caafimaadka.

Iska Hor imaadka kadib waxaa goobta soo gaaray iskuna gadaamay Ciidamada Nabad Sugida Puntiland kuwaa oo la sheegay in gacanta ku dhigeen inta badan kooxihii hubeesnaa ee weeraray Madaxtooyada hubkana kasoo qaatay.

Xaalada ayaa hada ah mid dagan mana jiraan waxa war ah oo kasoo baxay Saraakiisha amaanka Puntilnad , waxa ayna arintaan imaaneysa maalmo yar un kadib markii isbadal dhinaca Maamulka uu ka dhacay Puntiland meeshana ay ka baxday Maamulkii Faroole.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada