Wasiir ku xigeenkii labaad ee ka tirsan xukuumadda cusub oo is casilay

Wasiir ku xigeenkii labaad ee ka tirsan xukuumadda cusub oo is casilay

daajis.com:-Xukuumada cusub ee uu soo dhisay r/wasaare Abdiweli Sheekh Ahmed ayaa waxaa soo food saartay caqabado dhanka wasiirada uu magacaabay oo aan ku qanin xilalkooda ayagoo bilaabay is casilaad.

C/kaafi Macalin Xasan oo loo Magacaabay Wasiir ku xigeenka Tamarta iyo Biyaha oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa gabi ahaan iska diiday xilka loo Magacaabay waxa uuna xusay in
wax wada tashi ah aan lagala sameyn Magacaabistiisa Wasiir ku xigeenka.
 
Masuulkan ayaa xusay in Cadaalad daro aheed in loo Magacaabo Wasiir ku xigeenka Tamarta iyo Biyaha waxa uuna si cad u sheegay in uusan marnaba qaadaneyn Xilkaasi Habeenkii xalay loo Magacaabay aynakasoo horjeedojagadaasi beesha uu kasoo jeedo.
 
Waa wasiir kuxigeenkii labaad oo kasoo horjeesta xilka loo Magacaabay iyadoona maanta sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamud Axmed Nuur Tarsan oo isna loo magacaabay Wasiir kuxigeenka Wasaarada Isboortiga iyo Dhalinyarada uu isna diiday xilkaasi shaaciyayna in aan lagala tashan marnaba uusan rabin jagadaasi.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada