Dhageyso Obama:- NSA waa la xakamaynayaa kadib fashilkii...

Dhageyso Obama:- NSA waa la xakamaynayaa kadib fashilkii...

daajis.com:-Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa shaaca ka qaaday in dib u eegis iyo dib u habayn lagu samayn doono hanaanka ay wakaaladda Nabadsugidda ee maraykanka ee NSA ay dabagalka ku samayso.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay isbeddelo cusub oo ay ku jirana in gebi ahaanba la joojiyo in la basaaso madaxda caalamka, iyo in hay’adaha garsoorku ay dusha kala socdaan ururinta iyo kaydinta malaayiin telefoonnada ay muwaadiniinta Maraykanka adeegsadaan.

Obama waxa uu sheegay in dawladdu sii wadi doonto ururinta macluumaadka telefoonnada balse ay wareejin doonto kaydintooda marka la gaadho dhammaadka bisha March ee sannadkan kadib marka uu Aqalka Koongareesku talobixin keeno.

Madaxweynaha ayaa isbeddelladana kaga dhowaaqay hadal uu ka jeediyey Wasaaradda Caddaaladda ee Maraykanka.

Qaybta hoose ee boggan ka dhegayso warbixin iyo waraysi ku saabsan khudbadda madaxweyne Obama


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.


https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada