Madaafiic lala dhacay woqooyiga Lubnaan"Yaa Ladhacey Madaafiicda"?

Madaafiic lala dhacay woqooyiga Lubnaan"Yaa Ladhacey Madaafiicda"?

daajis.com:-Dalka Lubnaan madaafiic lagu garaacay magalaada xadka Suuriya ku taalla ee Carsal ayay ku dhinteen ugu yaraan toddoba ruux.
Militeriga Lubnaan ayaa sheegay in madaafiicdaasi laga soo tuuray dhanka dalka Suuriya.
Balse Duqa Magalaada Carsal ayaa sheeegay in gantaaladasi ay uga soo dhaceen gudaha dhulka Lubnaan, gaar ahaan dhulka uu maammulo ururka Xisbullah .

Kumanaan qaxooti Suuriyan ah

Magaalada Carsal oo ku taala Dooxada Biqaac, ayaa waxaa ku sugan kumanaan qaxooti Suuriyaan ah oo ka soo cararay rabshadaha dalkooda.
Dadka ku sugan magaalada Carsal ayaa waxay taageeraan mucaaradka dalka Suuriya ka dagaallamaya ee ka soo horjeeda dowladda Madaxwayne Bashaar Al-Asad.
Ururka Xisbullah oo isaguna ka dagaallamo woqooyiga Lubnaan ayaa taageera dowladda madaxweyne Bashar Al-Asad.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.


https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada