Al-Shabaab oo Shaacisay tirada dadkii ay ku dileen Weerarkii lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada Somalia

Al-Shabaab oo Shaacisay tirada dadkii ay ku dileen Weerarkii lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada Somalia

daajis.com:-Xarakada Al-Shabaab ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay tirada qasaaraha ka dhashay weerarkii dhawaan Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ku qaadeen Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir u qaabilsan Al-Shabaab Sheekh oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in weerarkii dhawaan ku qaadeen Xarunta Madaxtooyada ku dileen dad gaaraya 51-ruux ay ku jiraan Masuuliyiin katirsan Dowlada , tiro kale oo badana ay dhaawacyo kasoo gaareen.

Sheekh Cali Xuseen ayaa xusay in weerarkii lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada uu u dhacay sidii loogu tala galay , waxa uuna tilmaamay in Weerarkaasi ku dileen Diblamaasiyiin u ka dhalatay Dalalka Uganda iyo Jabuuti.

Gudoomiyaha Shabaab Gobolka Banaadir ayaa dhinaca kale ka hadlay hanjabaada Dowlada ee ku aadan in ay weerareyso goobaha ay Al-Shabaab ka joogaan Gobolada Dalka , waxa uuna hanjabaadaasi ku tilmaamay mid ii dheh ah aysan marnaba ku dhicin Dowlada .

'' Nin aqalkii uu ku jiray aan waardiyeesan karin meel hebel ayaan weerayaa wax micno ah makeeneyso waxa ayna u muuqataa ii dheh ,iyagu horta amaankooda ha ilaashadaan '' ayuu yiri Gudoomiyaha Al-Shabaab ee Gobolka Banaadir.

Hadalka kasoo baxay Sargaalkan katirsan Al-Shabaab ayaa imaanaya xili maalmo kahor weerar Masuuliyadiisa sheegteen Al-Shabaab lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kaa ay ku dhinteen Saraakiil iyo Masauuliyiin katirsan Dowlada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada