Taliye sare oo ka tirsan Al-Qaacida oo lagu dilay Suuriya

Taliye sare oo ka tirsan Al-Qaacida oo lagu dilay Suuriya

daajis.com:-Sarkaal sare oo ka tirsan Ururka Al-Qaacida oo hogaamiya mid ka mid ah ururada jihaadiga ee ka jira Suuriya ayaa lagu dilay magaalada Aleppo kadib weerar is qarxin oo ay fuliyeen labo nin.

Abu Khaled al-Suri iyo tiro kale oo ka mid aheyd ilaaladiisa ayaa ku dhintay weerarka lagu qaaday xero ay ku sugnaayeen.

Wararku waxay sheegayaan in weerarkan laga yaabo inay ka dambeeyay dowladda islaamiga ee Ciraaq iyo Sham ee loo yaqaano ISIS

ISIS ayaa qaaday weeraro ka dhan ah kooxaha xafiiltanka kala dhaxeeyo ee ka dagaalama Suuriya.

Kooxda Ahrar al-Sham ayaa ah garab hubeysan oo xagjir ah, kuwaasoo qeyb ka ah garabyada awooda ah ee ka mid ah 7-koox oo ku midoobay Islamic Front.

Sarkaalkan lagu magacaabo Al-suri ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa nin aad ugu ahaa wakiil ururk Al-qaacida, waxaana uu aad ugu dhow yahay Ayman Al-zawaahiri.

Al-suri oo magaciisa dhabta ah Muhammad Bahaiah waxaa la rumeysan yahay inuu si dhow ula soo shaqeeyay Hogaamiyihii hore ee Al-Qaacida Osama bin Laden.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada