Daawo Sawirada:- banaan bax ka dhan ah Ciidamada Itoobiya oo ka dhacay Buulo Burde

Daawo Sawirada:- banaan bax ka dhan ah Ciidamada Itoobiya oo ka dhacay Buulo Burde

daajis.com:-Banaan bax jawaab ahaa mid shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa isla shalay isna waxaa uu ka dhacay degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan, kaasoo ay soo abaabushay Al-Shabaab.

Dibad baxan oo ahaa mid ballaaran ayaa looga soo horjeeda ciidamada Itoobiya ee ka mid noqday howl galka AMISOM, waxaana dadka ka qeyb galay ka mid ahaa haween xijaaban oo qoriga Ak47 iyo bastoolad ku soo bandhigay dibad baxa.

Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa sheegay in dibad baxan aanu aheyn sida kii Muqdisho oo kale oo dadka xoog lagu soo bixiyay, halka dadka oo qiireysan ay isugu soo baxeen wadooyinka Buulo Burde si ay shucuurtooda u muujiyaan.

Odayaal iyo waxgarad deegaanka caan ka ah ayaa sheegay inay kala qeyb qaadanayaan dagaalada ka dhanka ah ciidamada Itoobiya, waxaana saraakiisha ay dadka ku guubaabinayeen inay ka qeyb qaataan dagaalada.

Al-Shabaab ayaa ka wada gobolada dalka abaabulo xoogan oo ay dadka ugu baraarujinayaan inay dagaalada kala qeyb qaataan.















FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada