Daawo Sawirada :- Masuul katirsanaa Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Sadax askari oo lagu riday Xukuno dil iyo Xabsi

Daawo Sawirada :- Masuul katirsanaa Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Sadax askari oo lagu riday Xukuno dil iyo Xabsi

daajis.com:-Maxkamada ciidamada qalabka sida ee gobolka Hiiraan ayaa maanta xukuno isugu jira dil iyo xarig waxay ku kala riday gudoomiye ku-xigeenkii dhinaca amaanka ee maamulka gobolkaas C/llaahi Maxamed Cumar iyo Sadax askari oo katirsan Ciidanka Dowlada.

Gudoomiyaha Maxkamada ciidanka qalabka sida ee gobolka Hiiraan Xuseen Cabdi Axmed ayaa sheegay in maxkamadu ay gudoomiye ku-xigeenkii gobolka Hiiraan C/llaahi Maxamed Cumar ku xukuntay in xilka laga qaado iyo 15 sano oo xarig ah.


C/llaahi Maxamed Cumar oo bil ka hor la xiray ayaa lagu helay dembiga ah inuu dafiray ama isku dayey inuu qariyo askari ka tirsanaa ilaaladiisa oo sanadkii hore dabayaaqadiisii wiil arday ah si bareer ah ugu dilay magaalada B/weyne.

Gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale dil toogasho ah ku xukuntay askariga ka mid ahaa ilaalada gudoomiye ku-xigeenkii gobolka Hiiraan ka dib markii uu ku cadaaday dembiga ah inuu dilay wiil arday ahaa.

Labada Eedeesane kale oo iyana katirsan Ciidanka Dowlada ayaa lagu riday xukuno dil iyo Xabsi ah kadib markii lagu helay dambiyo la xariira in dil iyo dhaawac ay u geesteen dad rayid ah.

Waa markii ugu horeysay ee maxkamada ciidamada qalabka sida ay xukuno noocan ah ku rido masuuliyiin sare oo ka tirsan gobolka Hiiraan, iyadoo dhowaan la filayo in maxkamada la horkeeno taliyihii ciidamada milateriga G/hiiraan Towane Axmed Gurey iyo saraakiil kale oom lagu tuhunsan yahay dil sanadkii hore B/weyne loogu geystay sarkaal kale.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada