Madaxweyne Xasan Sheekh oo markii u horeysay ka hadlay ciidamadii laga ruqseeyay xooga dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo markii u horeysay ka hadlay ciidamadii laga ruqseeyay xooga dalka

daajis.com:-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay arrimaha ciidamada xooga dalka ee ku saabsan xaga mushaaraadka iyo boqolaalkii askari ee dhowaan laga ruqseeyay shaqada ciidannimo.

Madaxweynaha oo shalay shir jaraa'id ku qabtay Xarunta xalane mar uu soo dhamaaday shirkii Hiigsiga cusub ee New Deal ayaa meesha ka saaray waxa ugu yeeray warar baro-bagaan oo suuqa la soo geliyay, kaasoo ahaa in ciidamada aanay wax mushaar ah qaadan.

"Labo arrimood ayaa rabaa inaan aad u cadeeyo, horta ciidameena mushaar la'aan kama jirto, waa warar baro-bagaan ah iyo nimaan ka tirsan ciidanka mushaar lama siin waa goon, ciidanka Soomaaliyeed maanta waa tira-kooban yihiin, dhamaan si electronic ayaa fartooda u Rajistar-gareysan tahay, marka uu farta saarana wajigooda iyo taariikhdooda ayaa soo baxaya, xilligii KMG wuxuu dhamaaday iyagoo $30 garaam ahaan u qaadanayeen, hada waxaa looga dhigay $60"ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in askari kasta uu qaato bishii $160, waxaana uu xusay in qeyb badan ka mid ah ay tahay lacag ay bixiso beesha caalamka oo boqol dollar ah, isagoo tibaaxay in aanay mararka qaar wada gaarin, hase ahaatee waxaa beeniyay wararka sheegaya in ay jiraan askar aan mushaar qaadan.

Waxaa uu sheegay inay jirin karaan daah ku yimaada mushaaraadka ciidamada, waxaana uu qiray lacagaha ka yimaada beesha caalamka, taasoo mararka qaar shan bilood gaarta, waxaana uu xusay in hada todobaadkii hore labo bilood loo bixiyay mushaarka ciidamada.

"Dacaayad xoog leh waxaa laga sameeyay ciidamo la ruqseeyay, ayagana war jiro ma ahan, 709 ayaa la ruqseeyay shaqo ay u hayaan ciidanka iyo hey'adaha amniga ma jirto"ayuu yiri Madaxweynaha oo intaa ku daray in aanay Hey'adaha ammaanka aanay aheyn hey'ado sama fal.

Madaxweyaha oo sii hadlayay ayaa yiri "Ciidanka nimaan shaqo u heyn ayaa laga saaray, waa jiraa qaladaad labo ama hal, kuwaasna waan la saxayaa, waxaa soo haray ciidanka howl galbka ahaa ee da'da ah ayagana lama ruqseyn waxaa la dhahay guryahiina jooga ee nasta, mushaarkiina guryahiina ka qaata, bisha markee dhamaato meel hebel u doonta, waxaa ka dhex saranay ciidamada dhexdooda, xuquuqdooda sidooda loo siinayaa, bishan mushaarka la bixinayo waa la siinaya

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday askartii naafada, kuwaasoo uu xusay in lagu wargeliyay inay qaadan doonaan mushaarka, balse laga reebay garaamka ay lahaayeen, waxaana uu sababta looga jaray ku tilmaamay inay guryahooda joogaan.

"Ciidanka xooga dalka iyo ciidanka booliska xero sama fal ma ahan, askari dagaalamayo iyo qof u adeegayo askarigaas dagaalamaya ayaa xaq u leh inay ka mid noqdaan oo ay dhaqaalaha ciidanka ee dadka soomaaliyeed bixinayaan ay helaan"ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Taliska Ciidamada xooga dalka ayaa dhowaan ruqseeyay boqolaal askari oo ka tirsana ciidamada xooga dalka, waxaana arrintan ay keentay hadal heyn badan iyo in ciidamadii la ruqseeyay ay sameeyaan dibad bax ay uga soo horjeedaan shaqada laga eryay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada