Daawo Gabar Aabaheed Somali Yahay Oo Ku Guulaysatay Big Brother Africa 2013

Daawo Gabar Aabaheed Somali Yahay Oo Ku Guulaysatay Big Brother Africa 2013

daajis.com:-Dadka ku nool wadanka Namibia ayaa u dabaal dagaya guul ay soo hoysay xidig lagu magacaabo Dilish, gabadhaan ayaa ku guulaystaya tartanka Big Brother Africa.

Gabadhaan oo hoyadeed u dhalatay dalka Namibia ee ku yaala koonfurta qaarada Africa ayaa la ogaaday inuu aabaheed yahay nin Somali ah oo lagu magacaabo Abdi Galkayo Guyo.

Ninkaan iyo gabadhiisa ayaa is helay kadib mudo laga joogo 23 sano.

Abdi Galkayo ayaa waxa uu ka mid ahaa ciidamo nabad ilaalin oo laga aruuriyay dalka Kenya isagoo laga keenay gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi, ciidamadaan uu ku jiray ayaa waxa loo diray sanadkii 1989 wadanka Namibia halkaasoo ay ka jireen dagaalo sokeeye. Sanadkaas ayaa waxa dhacay doorashadii ugu horeysay ee cadaalad iyo xor ah ee wadanka Namibia

Ninkaan ayaa intuu halkaas ku sugnaa waxay isjecelaadeen haweeneey Namibian ah oo lagu magacaabo Selma Pashukeni, waana ay isguursadeen. 

Sanad kadib, Kenya ciidamadeedii way kala soo baxday wadankaasi, dib
ayuuna usoo noqday. Selma waxay ninkaan u dhashay Dilish oo ah gabadhaan ku guulaysatay Big Brother Africa 2013.

Dilish ayaa heshay lacag gaaraysa 3 malyuun oo doolarka maraykanka ah kadib saddex bilood ay ku jirtay Big Brother Africa 2013





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada