Arsenal Oo Ka Aarsatey Liverpool Una Soo Baxday Wareega 8da FA Cup Ka.

Arsenal Oo Ka Aarsatey Liverpool Una Soo Baxday Wareega 8da FA Cup Ka.

daajis.com:-Arsenal ayaa u soo gudubtay wareega 8da koobka FA Cup ka dib markii ay ka aarsadeen Liverpool islamarkaana ay uga badiyeen 2-1 ciyaar xiiso laheyd oo ka dhacday Emirates Stadium.

Tababare Arsene Wenger ayaa nasasiiyay qaar ka mid ah xiddigihiisa isagoo isha ku haya kulanka Champions League ee Bayern Munich iyadoo Sanogo, Jenkinson iyo Podolski ay ciyaarta ku soo bilowdeen, halka tababaraha Liverpool uu ku soo bilaabay Agger oo dhaawac ka soo laabtay isagoo ku soo shirtagay line-up adag.
Daqiiqadihii ugu horeysay ee ciyaarta waxaa labo fursadood oo waa weyn helay Daniel Sturridge kaasoo Liverpool ka qasaariyay, waxaana ciyaarta hogaanka u qabatay daqiiqadii 15aad kooxda Arsenal.
Gerrard ayaa kubad ka celiyay Sanogo, laakiin Oxlade-Chamberlain ayaa kubadii soo laabatay ka hoos bixiyay goolhayaha Liverpool Jones.
Daqiiqadii 40aad ayaana Liverpool ay u dhawaatay inay hesho goolka barbaraha laakiin waxaa kubada si fantastik ah Suarez uga badbaadiyay goolhaye Fabianski. Waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 1-0 oo ay Arsenal hogaanka ku heysay.
Bilowgii qeybta labaad ayaa Arsenal waxaa hogaanka u dheereeyay Lukas Podolski ka dib kubad uu ka soo shaqeeyay Oxlade-Chamberlain. Laakiin xiddiga Jarmalka ayaa daqiiqado ka dib rigoore ku galay Luis Suarez, waxaa rigoorada u soo istaagay kabtan Gerrard kaasoo dhinac qaldan u diray Fabianski islamarkaana ciyaarta ka dhigay 2-1.
Daqiiqadii 66aad ayaa garsoore Howard Webb uu Liverpool ka beeniyay rigoore ay ku andacoodeen ka dib markii Oxlade-Chamberlain uu qalad xerada ganaaxa dhexdeeda kula galay Luis Suarez.

Halka Gerrard uu ka badbaaday inuu jaale labaad ku qaato qalad uu ku galay Oxlade-Chamberlain, waxaana ay ciyaarta ay aheyd mid Liverpool ay cadaadis saareysay Arsenal iyagoo baadigoob ugu jiray goolka barbaraha, halka Gunners ay ku dadaalayeen inay ilaashadaan hogaankooda.
Ciyaar xiiso badan ka dib waxa ay ku soo dhamaatay 2-1 oo ay ku badisay kooxda martida loo ahaa ee Arsenal kuwaasoo u soo gudbay wareega 8da waxaana ay marti gelin doonaan kooxda kale ee Liverpool ka dhisan ee Everton.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada