Jose Mourinho: Ixtiraam Uma Hayo Waayaha Tababarenimo Ee Arsene Wenger.

Jose Mourinho: Ixtiraam Uma Hayo Waayaha Tababarenimo Ee Arsene Wenger.

daajis.com:-Jose Mourinho ayaa diiday inuu ka laabto weerarka dhanka afka ah ee ay isku hayaan isaga iyo Arsenal Wenger, waxaana uu sheegay inuusan wax ixtiraam ah u heynin wixii uu soo qabsaday macalinka reer France hadda ka hor.

Mourinho ayaa xiriir xun uu kala dhaxeeyay tababaraha Arsenal muddo sannado ah, waxaana dagaalkooda uu soo cusboonaaday jimcihii markii uu Wenger ku tilmaamay mid takhasus u leh guuldarada, isagoo ula jeeda sideeda sanno iyo bar ee ay Arsenal koob la’aanta tahay.
Waxaana weerarkaas uu yimid ka dib markii Wenger uu dhigiisa Chelsea ku tilmaamay mid ka baqaya inuu guuldareysto madaama uu ka gabanayo inuu cadeysto inay kooxdiisa u tartameyso hanashada horyaalka.
Sidaasi oo ay tahay Mourinho ayaa diiday inuu duufaanta dejiyo isagoo u sheegay ITV ka hor kulankii xalayto ay guuldaraddo 2-0 ka soo gaartay Man City: “Marka uu leeyahay waxaan ka baqayaa guuldarada wax ixtiraam ah iima hayo sababtaas darteedna anigana wax ixtiraam ah uma hayo waayihiin tababarenimo.
“Taas waa jawaabteyda. Waa jawaab aanan ku farxeynin laakiin waa jawaab aan qabo inuu u qalmo.”


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada