Axmed Madoobe iyo wafdi uu hogaaminayo oo Muqdisho soo gaaray

Axmed Madoobe iyo wafdi uu hogaaminayo oo Muqdisho soo gaaray

daajis.com:-Wafdi uu horkacayo Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan aaska qaran ee berri oo Jimco ah loo sameyn doono Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen, R/wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Axmed Madoobe iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, waxaana wafdigaasi ay Muqdisho u yimaadeen ka qeyb galka aaska qaran ee ay dowladda u sameyneyso R/wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Horey waxaa Muqdisho u soo gaaray wafuud ka socota Maamul Goboleedka Puntland oo u horkacayay Madaxweynaha Maamulkaasi Dr C/weli Maxamed Cali Gaas, iyadoo wafdigaasi ay ku jiraan qaar ka mid ah ehelada Marxuumka.

Sidoo kale waxaa la filayaa in wafdi kale ay Muqdisho soo gaaraan, si ay qeyb uga noqdaan Aaska Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen, waxaana haatan Muqdisho ku sugan siyaasiyiin horey dowladihii KMG ahaa xilal sare ka soo qabtay.
 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada