Barcelona Oo 10 Ciyaaryahan Oo Man City Kaga Badisay Etihad Stadium.

Barcelona Oo 10 Ciyaaryahan Oo Man City Kaga Badisay Etihad Stadium.

daajis.com:-Barcelona ayaa guul muhim ah ku gaartay Etihad Stadium lugta hore ee wareega 16ka Champions League ka dib markii ay 2-0 kaga talaabsadeen 10 ciyaaryahan oo Man City ah kuwaasoo uu casaan ka qaatay Martin Demichells bilowgii qeybta labaad.

Tababare Manuel Pellegrini ayaa kulankaan ku soo bilaabay Fernandinho oo ka soo kacay dhaawac, halka Kolarov laga ciyaarsiiyay garab weerar iyadoo Samir Nasri uu kursiga keydka ku bilowday, dhanka tababare Tata Martino waxa uu kursiga keydka ku soo bilaabay Neymar oo xilli dhaawac ka soo laabtay.
15kii daqiiqo ee ugu horeysay ma jirin wax xiiso leh oo ciyaarta ka dhacay marka laga reebo in kubada ay iska heysatay Barcelona, kuwaasoo u diiday Man City inay kubada taabtaan halka kooxda martida loo ahaa ay iyadana ku faraxsaneyn sidaas.
Laakiin bartamihii qeybta hore ayay City bilowday inay ciyaarta la qabsato, inkastoo aysan jirin fursado waa weyn oo ay labada kooxood kala heleen qeybtii hore. Kubad uu Negredo goolka hortiisa mariyay iyo kubad uu Hart ka badbaadiyay Xavi ayaa aheyd fursadihii ugu fiicnaa ee la helay qeybtii hore, iyadoo lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah.
Qeybtii hore ee ciyaarta Barcelona waxa ay ku guuleysatay inay saxdo 231 baasas, halka City ay saxday kaliya 78 baas, halka Xavi uu saxay qeybtii hore boqolkiiba 97 50kii baas ee uu sameeyay taasoo aheyd labo jibaarka inta uu sameeyay ciyaaryahan kale oo City ah.
Man City ayaana qeybtii labaad ee ciyaarta ku bilaabatay sidii ugu xumeyd ka dib markii daafacooda Demichels uu qalad ku galay Messi oo goolka u furnaa islamarkaana xerada goolka afka geliyay inkastoo taas muran la geliyay. Daafaca waayo araga ah ayaa casaan toos ah la siiyay halka Barcelona loo dhigay gool ku laad.

Lionel Messi ayaana u soo istaagay rigoorada isagoo gool u sarifay, waana goolkiisii 7aad ee uu xilli ciyaareedkan ka dhaliyo Champions League. Messi ayaana wadar ahaan leh 66 gool isagoo barbareeyay rikoorka Raul ee ah goolasha Champions League ee hal koox loo dhaliyay iyadoo Raul uu 66 gool u dhaliyay Real Madrid.
Inkastoo City ay 10 ciyaaryahan ku ciyaareysay islamarkaana ay Barcelona cadaadis dheeraad ah saareysay hadana isma aysan dhiibin, ka dib fursado fiican oo Blaugrana abuurtay, David Silva ayaa laga badbaadiyay fursad halis aheyd daqiiqadii 77aad ee ciyaarta.
Daqiiqadii 90aad ayaana Barcelona ay ciyaarta hurdo u dirtay markii Dani Alves uu kubad ku dhex qaatay daafaca City isagoo kubada ka hoos bixiyay goolhaye Joe Hart.
Waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaatay 2-0 oo ay guusha ku raacday Barcelona kuwaasoo haatan sii carbuuntay wareega 8da, iyadoo lugta labaad ee wareega 16ka ay bisha soo socota ka dhici doonto Camp Nou.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada