Champions League: Paris Saint Germain oo dubatay Bayer Leverkusen oo ay marti u ahayd + Sawirro

Champions League: Paris Saint Germain oo dubatay Bayer Leverkusen oo ay marti u ahayd + Sawirro

daajis.com:-Kooxda Bayer Leverkusen ayaa soo dhaweysay PSG lugta hore ee wareegga 16-ka Champions League, kooxda Paris Saint Germain  ayaana guul weyn gaartay kaddib ciyaar ku dhammaatay 4-0.

Daqiiqaddii saddexaad ee bilowgii ciyaarta ayey PSG hoggaanka u qabtay ciyaarta waxaana shabaqa tagay Blaise Matuidi, daqiiqadii 39-aad ee isla qeybtii hore waxaa raacsaday Zlatan Ibrahimovic kaasoo gool u bedelay rigoore lagu abaal-mariyey.

Inta aan la aadin qeybta nasashada waxaa mar kale shabaqa soo taabtay daqiiqadii 42-aad Zlatan Ibrahimovic, ciyaarta ayaana lagu kala nastay 3-0 oo ay ku gacan sarreeyeen xiddigaha PSG oo marti ahaa.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii dambe ayaa waxaa kooxda  Bayer Leverkusen kaarka cas ka qaatay xiddigooda Emir Spahic, daqiiqadii 59-aad kaasoo ay isku raaceen labo kaar oo digniin ah.

Yohan Cabaye oo ay dhawaan la soo wareegtay PSG ayaa goolkiisii ugu horreeyey u dhaliyey waxaana uu ciyaarta ka dhigay 4-0 daqiiqadii 88-aad ee ciyaarta.

 Qeybtii dambe ee ciyaartan ayaa u muuqatay mid Leverkusen ay difaac gashay maadaama goolal afar ah lagu hoggaaminayey hal ciyaaryahannada dibadda looga saaray, waxaana ciyaartii ka dhacday garoonka BayArena ay ku soo idlaatay 4-0 oo loogu awood sheegtay kooxda Bayer Leverkusen.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada