Daawo Layaabka Aduunka:- Nin labo Shabeel ka badbaaday

Daawo Layaabka Aduunka:- Nin labo Shabeel ka badbaaday

daajis.com:-Ninka galay xerada Shabeelka, Nin ayaa ka badbaaday labo shabeel kadib markii uu isku dhextuuray xayndaabka ay ku dhexjireen isagoo isku dayay inay cunaan.

Warbaahinta Shiinaha waxaa ay ninkaasi ku sheegtay Yan Jinhua oo 27 jir ah.
Waxaa uu galay xerada Shabeelka isagoo watay jawaan uu bariis ku jiro.

Waxaa daawanayay dalxiiseyaal yaaban, waa la xagxagtay Yan waana la qaninay waxaase soo dhexgalay waardiyeyashii shaqada ku qornaa.

Shaqaalaha xerda xayawaanka

Qof goobjooge ah yaa sheegay in ay u qaateen in ninkaasi uu ka mid ahaa shaqaalaha xeradaas xayawaanka lagu xanaaneeyo markuu u galayay Shabeelka.

Laakiin markii dad kale oo dalxiisayaal ah ay ku qayliyeen ayuu Yang isku tuuray dhankii Shabeelada u dhawayd.

Goobjooge kale oo layiraahdo Feng Lin waxaa uu warbaahinta gudaha u sheegay in markuu ku booday gudaha beerta uu u qaatay in markaasba ay weerari doonaan, balse waxay u muuqatay in labada shabeel ee labka iyo dhiddigaba ay argagaxeen.

Badbaadada ninkaas

Intasi kaddib asaga ayaa billaabay in uu gardaraysta, markaas ayuu shabeelkii labka ahaa billaabay in uu ninka xagxagto oo uu qaniino intaasi kadibna waxaa badbaadiyay waardiyeyaashii.

Chengdu Business Daily waxaa ay daabacday in Badbaadada ninkaasi ay ka qayb qaateen ilaa konton shaqaale iyaga oo maraya hanaankii sharciga ahaa ee gurmadka deg degga.

Markii hore waxaay isticmaaleen tuubooyin biyo ah si ay u jahwareeriyaan labada shabeel ugana kexeeyan dhanka ninka, kadibna waxaa lagu duray dawo xayawaanka lagu seexiyo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada