Mid ka mid ah Gudoomiyeyaasha degmooyinka oo sheegay in halis ku jirto in degmadiisa gacanta ka baxdo

Mid ka mid ah Gudoomiyeyaasha degmooyinka oo sheegay in halis ku jirto in degmadiisa gacanta ka baxdo

daajis.com:-Gudoomiyaha degmada Huriwaa Cumar Cabdulle Jacfaan ayaa qeyla dhaan u diray hey'adaha ammaanka dowladda, isagoo ka digay in degmadiisa ay halis ugu jirto inay ka baxdo gacanta dowladda, kadib markii ay soo buuxiyeen xoogag ka tirsan Al-Shabaab oo tababaro soo dhameystyay.

Wareysi uu siiyay mid ka mid ah warbaahinta maxaliga ee Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay inay degmadiisa halis ugu jirto inay faraha ka baxdo, isagoo dalbaday in ciidamo dheeraad ah dowladda keento, si ammaanka wax looga qabto.

"Degmo dhan oo lix waaxood ah ayaa waxaa jooga 27-askari oo saldhiga booliska iyo xaafadaha ka howl gala, halis ayay ugu jirtaa inay gacanta ka baxdo, marka waxaa ka codsaneynaa Gobolka iyo Wasiirka Amniga in arrintan si deg deg ah uga jawaabaan"ayuu yiri Gudoomiye Jacfaan.

Mr Jacfaan ayaa sheegay in ciidamo tababaran oo ka tirsan Al-Shabaab ay soo galeen degmadiisa, isla markaana ay soo saareen miisaan, waxaana uu ka codsaday dowladda in inta aysan faraha ka bixin ammaanka degmada wax laga qabto.

"Waxaa beryahan degmada ku soo batay, dhibaato culus oo miisaan soo saaray, ciidan cusub oo tababaran, nimankii nabad diidka ahaa soo geliyeen, degmada waxay halis ugu jirtaa inay gacanta ka baxdo"ayuu yiri Gudoomiyaha degmada Huriwaa.

Degmada Huriwaa oo aanay deganeyn mas'uul ka tirsan dowladda iyo sarkaal ciidan ayaa waxaa lagu tiriyaa meelaha ay ku xooga yihiin Al-Shabaab, waxaana mararka qaar ka dhaca weeraro Al-Shabaab ku qaadaan fariisimaha ciidamada dowladda iyo AMISOM ku leeyihiin degmadaas.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada