Daawo Sawirka:-M uuqaalka iyo Magaca Ninkii Dilay Taliye Ciise Kaambooni oo lasoo Bandhigay

Daawo Sawirka:-M uuqaalka iyo Magaca Ninkii Dilay Taliye Ciise Kaambooni oo lasoo Bandhigay

daajis.com:-Saraakiil katirsan Maamulka KMG ee Jubba ayaa Warbaahinta si hoose ugu soo gudbiyay Magaca iyo Sawirka nin la sheegay in uu dilay Taliyihii Nabad Sugida Maamulka Jubba Ciise Kaambooni oo Habeen hore lagu dilay Magaalada Kismaayo.


Maxamuud Muxumed Nuur oo loo yaqaanay Ciisa Kaambooni waxaa habeen hore Dilay nin la sheegay in uu katirsanaa ilaaladiisa gaarka ah , Ninka dilka geestay ayaa horey uga soo goostay Xarakada Al-Shabaab uu in mudo ah katirsanaa.


Saraakiisha Maamulka Jubba ayaa sheegay in Ninka la tuhmayo in uu dilay Ciisa Kaambooni lagu Magacaabo Abdirahmaan Fatxi Abdullaaahi Dheeg , ninkan dilay Taliyihii Nabad Sugida Maamulka Jubba ayaa ka baxsaday goobtii uu dilka ka geestay lamana oga halka uu jaan iyo cirib dhigay.


Sawirka ninka dilay Ciise Kaambooni ayaa loo qeybiyay Ciidamada Maamulka Jubba kuwaa oo baadi goob daran ugu jira ninkan oo dilay Xubin muhiim ah oo katirsanaa Maamulka Jubba uu Hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe.

Al-Shabaab ayaa horey u sheegatay Masuuliyada Dilkii loo geestay Taliyihii Nabad Sugida Maamulka Jubba Ciise Kambooni oo isaga iyo qaar kamid ah ilaaladiisa Habeen horey lagu dilay Magaalada Kismaayo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada