Bidaarta Gasha Raga iyo Haweenka oo markaan la sheegay in loo helay Daawo Dhab ah

Bidaarta Gasha Raga iyo Haweenka oo markaan la sheegay in loo helay Daawo Dhab ah

daajis.com:-Dawadan khubarada u dhashtay Philadelphia sheegeen in loo helay bidaarta ayaa unugyo madaxa ku jira ku khasbaysa inay timaha dib u soo saraan, iyadoo taasina daawo u noqonayso timaha bixitaanka joojiyey amma daatay.

Saynisyahannadani waxay sheegeen in hore ay ula tacaaleen inay badka soo dhigaan daawo timaha koriinkooda dib u soo celinaysa markay joogsadaan, laakiin xalkaas ay waqtigan si dhab ah u heleen, tijaabiyeenna.

Markii hore khubaradu waxay ku tijaabiyeen jiir unugyo ka beddeleen, kadibna ay daawadoodan ku tijaabiyeen si maqaarkiisa dhogortii ay korriinka ka joojiyeen dib ugu soo baxdan, waxaanay rajaynayaan in farsamadodan cusub mustaqbalka faa’iido u noqon doonto in timaha bani’aadamka dib loogu celiyo.

Khubaradan waxay bilaabeen in unugyo maqaarka dadka ku jira oo la yidhaa Dermal Fibroblast ay ku daraan unugyo kale, kadibna ay u beddelaan timaha jiradooda, taasoo awood u leh jidhka meel kasta oo ka mid ah ay timo ka soo saaraan.

Khubaradan waxay cabsi ka qabaan in aan la damaanad qaadi karayn waqtiga rasmiga ah ee timuhu qofka u soo baxayaan iyo in timuhu koriinkooda ka dheereeyaan.

Unugyada ay isticmaaleen khubaradan waxay ku qaseen maqaarka jiirka, kadibna waxay cariyeen hab-dhiska difaaca jiirka si ay u tijaabiyaan in jidhku iska difaaco unugyada dada kaga yimi, taasna way ku guulayteen in jiirku difaac galo, balse unugyadan maqaarka si toos ah u galeen, jirida timahana ku khasbeen in timo ka soo baxaan.

Dr. Xiaowei Xu oo ka tirsan Jaamacadda University of Pennsylvania ee dalka Philadelphia, ayaa sheegay inay tahay markii ugu horraysay ee la sameeyo unugyo maqaarka jiirka ku qasbaya in booratiinnada timaha soo saaraya si fiican u shaqeeyaan, timana ka soo saraan marka koriinka timuhu istaago amma timuhu daataan.

“Marka qofku timuhu ka daataan waxay waayaan unugyada qaar, waxaanuna xallinnay dhibaatada weyn ee arrinta keenaysa, gaar ahaan walxo maqaarka ku jira oo timuhuna ka kooban yihiin ayaannu ogaannay in maqaarka lagu beeri karo,” ayuu yidhi Dr. Xu.



W/T Ibraahim Khadar Siciid
ibraahimkhs@hotmail.com

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada